Bangiga ugu weyn Singapore, DBS,
Bangiga ugu weyn Singapore, DBS, ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu dhimo ilaa 4,000 oo boosas shaqo ah saddexda sano ee soo socota iyadoo garaadka macmalka ah (AI) uu qaban doono shaqo badan oo ay hadda qabtaan aadanaha tallaabadan ayaa saameyn doonta shaqaalaha aan rasmiga ahayn iyo kuwa ah, sida uu sheegay af hayeen u hadlay banigaga, iyadoo dhimista shaqaalaha ay ka imaaneyso "isbadalka dabiiciga ah" xilli mashruucaan uu soo gaban gaboobayo shaqaalaha joogtada ah ayaysan saameeyn doonin shaqaale dhimistu. Madaxa fulinta ee bangiga, Piyush Gupta ayaa sidoo kale sheegay in la filayo in tani ay abuurto ku dhawaad 1,000 boosas shaqo ah oo cusub oo la xiriira AI ga
Arrintaan ayaa waxay ka dhigaysaa DBS
Arrintaan ayaa waxay ka dhigaysaa DBS mid ka mid ah bangiyada waaweyn ee ugu horreeya ee ka warbixin doona sida AI gu u u saameyn doono hawlahooda Shirkadu ma aysan sheegin inta shaqo ee la dhimi doono gudaha Singapore saddexda sano ee soo socota, waxaan fileynaa in AI ay yareyn karto baahida loo qabo cusboonaysiinta ilaa 4,000 oo shaqaale ku meel gaar ah/qandaraas haysta oo ku kala baahsan 19 keena suuq, kuwaa oo ka shaqeynaya mashaariic kala gaar ah," ayuu yiri afhayeenka DBS
Sida oo kale, waxaan filaynaa in dhimista shaqaaluhu
Sida oo kale, waxaan filaynaa in dhimista shaqaaluhu ay ka iman doonto isbadalka dabiiciga ah maadaama boosaska ku-meel-gaarka ah iyo kuwa rasmiga ah ay soo idlaanayaan dhowrka sano ee soo socda DBS waxay hadda hawlgalisaa inta u dhaxaysa 8,000 iyo 9,000 oo isugu jira shaqaale ku meel gaara ah iyo kuwa rasmi ah intaba. Bangiga ayaa waxaa shaqaale u ah ku dhawaad 41,000 oo qof.
Sannadkii hore, Mr Gupta wuxuu sheegay in DBS ay ka shaqaynaysay AI ga in ka badan toban sano waxaan maanta daabulaynaa in ka badan 800 oo nooc oo AI ah si loogu adeegsado 350 xaaladood oo shaqo, waxaana rajeyneynaa in saameynta dhaqaale ee ka dhalan doonta ay dhaafi doonto S$1bn ($ 745m) sanadka 2025," ayuu raaciyay hadalkiisa gupta ayaa lagu wadaa inuu ka tago shirkadda dhamaadka bisha March. Ku xigeenka madaxa fulinta ee haatan, Tan Su Shan ayaa bedeli doona booskiisa sida qorshuhu yahay.
Balaarinta tignoolajiyada AI ee sii socota ayaa faa'iidooyinkeeda iyo khatarteeda haatan waxaa haya indhaha, iyadoo Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ay sheegtay 2024-ta in lagu wado inay saamayso ku dhawaad 40% dhammaan shaqooyinka adduunka oo dhan agaasimaha maamulka ee IMF, Kristalina Georgieva ayaa sheegtay "in inta badan kiisas qaar, AI ay u badan tahay inay ka sii dari doonto marka la eego sinnaan la'aanta guud".
Guddoomiyaha Bangiga England, Andrew Bailey, ayaa BBC-da u sheegay sannadkii hore in AI aysan noqon doonin "mid sababta burbur badan oo shaqooyinka ku yimaada" shaqaalaha bini'aadamka ahina ay baran doonaan inay ku shaqeeyaan tignoolajiyada cusub Mr Bailey wuxuu yiri in kasta oo ay jiraan khataro AI ga ah, "hadana waxaa jira karta faa'iido weyn
0 Comments