Dal ay Soomaali badan iska dhiibto oo qaadashada baasaboorkisa ku xiray aqoonsiga Israa'iil

Somali iyo jarmalka

Jarmalku waxa uu hoy u yahay jaaliyadaha Carabta iyo Muslimiinta

 Jarmalku waxa uu hoy u yahay jaaliyadaha Carabta iyo Muslimiinta ugu badan ee Yurub, waa bulsho lagu garto kala duwanaansho qawmiyadeed. Shan milyan iyo bar ka mid ah Muslimiinta Jarmalka, oo ka kooban 6.6 boqolkiiba tirada guud ee dadweynaha, waxaa kujira ilaa 2.5 milyan oo asal ahaan Turki ah balse waayadan dambe dagaalka Qasa waxa uu culeyso aan hore loo arag ku soo rogay qaar ka mid ah Muslimiinta iyo Carabta ku nool Jarmalka iyadoo isku duubnida Falastiin iyo sidii loo muujin lahaa isku isku xirnaan ay u noqotay xaalad kadhex taagan dadwaynaha dalkaasi ku nool yihiin

Go'aanno iyo sharci ayaa la soo saaray

Go'aanno iyo sharci ayaa la soo saaray, kuwaas oo xannibaya abaabulka mudaaharaadyada, iyo kuwo kale oo mamnuucaya xirashada dharka qaarkood, sida kuwa astaamaha u ah Falastiiniyiinta, iyadoo laga mamnuucay goobaha waxbarasho ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Berlin gobolka Saxony ayaa ku dhawaaqay in shuruudo cusub lagusoo kordjiyay qaabka lagu heli karo dhalashada Jarmalka, taasoo ka mid ah sharciyadii ugu dambeeyay ee khilaafka baahsan dhaliyay

Toddobaadkii hore, dowladda Jarmalku

Toddobaadkii hore, dowladda Jarmalku waxay ku soo rogtay kuwa codsanaya dhalashada dalkaas in ay caddeeyaan taageerada ay u hayaan jiritaanka Israa'iil Wareegtada ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in "Israa’iil ay xaq u leedahay in ay jirto, taasna ay la micno tahay jiritaanka dowladda Jarmalka”, sidaas awgeed, codsadayaasha waa in ay arrintan ku qaab qirtaan qoraal ahaaneed

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in xannibaadaha loosoo rogay si loo joojiyo kacdoonka dadweynaha iyo la dagaallanka Yuhuud nacaybka kadib xasuuqii 6 milyan oo Yuhuud ah oo ku jiray gacanta dowladdii Nazi ee Jarmalka intii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka, dowladda Jarmalku waxay aaminsan tahay in ay "mas'uuliyad gaar ah" tahay ilaalinta Israa'iil Isagoo cambaareynaya weerraradii ay qaadeen mintidiinta Xamaas 7-dii Oktoobar, oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof Israa'iiliyiin ah, Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, ayaa yiri, "Waqtigan la joogo, waxaa jira ha Jarmal, oo ah dhinaca Israa'iil.

Waxa kale oo uu adeegsaday ereyo uu ku xoojinayo jiritaanka dowlad Israa’iili ah, in ka badan hal mar si uu u adkeeyo in ilaalinta Israa'iil ay tahay sababta jiritaanka ee Jarmalka. Raiisel wasaarihii hore Angela Merkel ayaa hore u isticmaashay erayo lamid ah Galor waxay hadalkeeda ku soo gabagabaysay iyadoo leh, “Jarmalka waxa ka jira xiriir cad oo taariikhi ah oo u dhexeeya Jarmalka iyo lama huraanka aasaaska Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka kale, ee ay dowladda Jarmalku iska indho tirtay, waa xiriirka kale ee ka dhexeeya Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta, kaas oo horseeday mid ka mid ah dhibaatooyinka qaxootiga ee ugu weyn adduunka


Post a Comment

0 Comments