Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa
Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgalkii ugu weynaa oo ay xalay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah ay ku qaadeen Al-Shabaabka soo galay gobolka Shabeelaha Dhexe howlgalka oo ah mid dhul ah iyo cir ah ayaa waxaa habeenimo lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla aagga deegaannada Sumadaale illaa Bursha Sheekh, waxaana cashir loogu dhigay Khawaarijta
Wararka ayaa sheegaya in xubno badan oo Shabaab ahaa
Wararka ayaa sheegaya in xubno badan oo Shabaab ahaa lagu laayay howlgalkan iyo duqeymaha ee xalay lagu qaaday, kaas oo aad uga xoggaanaa howlgalladii hore, waxayna lasoo wariyay in lagu beegsaday talisyo waawayn oo ay kooxda ku lahayd halkaasi sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in deegaannada qaar ay ka carareen Al-Shabaab
Kadib markii ay u adkeesan waayeen culeyska duqeymaha
Kadib markii ay u adkeesan waayeen culeyska duqeymaha lagu garaacay dowladda Soomaaliya oo qoraal kooban soo saartay waxa ay sheegtay in howlgal aad loo qorsheeyay oo dhowr jiho ah xalay lagu qaaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin khasaaraha kooxda gaaray
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa caawa dhulka iyo cirkaba ka wada howlgallo barakeysan oo ka dhan ah Khawaarijta ku dhuumaaleysanaysa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo dhoor jiho laga galay waxaana ku socda howlgallo nadiifin ah” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya
Dhinaca kale, ciidamada Danaba ee uu Mareykanku tababaro ayaa iyaguna howlgal kale ka fuiyay isla deegaanka Sumadaale kaas oo ay dowladdu sheegtay in lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa argagixisada, kuwaas oo uu shir u socday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed (Danab) ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar qorshaysan ku qaaday goob ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ee argagixisada ah
Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu beegsaday xubno sare oo Khawaarijta ka tirsan kuwaas oo halkaas ku lahaa shirar dhagar ah oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka sidoo kale waxaa lasii raaiciyay in howlgalkan uu ahaa mid laga taxadaray, isla markaana aanu waxyeelo kasoo gaarin rayidka, khasaarahana uu ku kooban yahay Al-Shabaab
Ujeedka howlgalka ayaa sidoo kale ahaa in meesha laga saaro xubnaha Al-Shabaab, si looga hortago khatartooda iyo weeraro ay kasoo maleegaan halkaasi hawlgalka, oo ahaa mid si taxadar leh loo diyaariyay, ayaa sababay khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray Khawaarijta.Ciidanka XDS ayaa ujeeddadoodu tahay in ay meesha ka saaraan cadowga, kana hortagaan khatar kasta oo ay shacabka ku hayaan” ayaa mar kale lagu yiri bayaan looga hadlay howlgalka ay qaadeen Danab
Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka soconayo guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana iska kaashanaya dowladda dhexe, HirShabelle iyo dadka deegaanka, iyada oo qorshuhu yahay in laga saaro deegaannada ay soo galeen ee Shabeelaha Dhexe
0 Comments