Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn iyo xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada Wasiirrada xilka laga qaaday waxaa ugu weynaa Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kaas oo loo beddelay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
Wasiir Jaamac ayaa muddooyinkii dambe
Wasiir Jaamac ayaa muddooyinkii dambe wajahayay cadaadis uga imaanayay dhanka wakiillada caalamka, gaar ahaan dowladda Mareykanka Mareykanka, oo gacan weyn ka geysta howlaha taakulada ciidanka, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka caga-jiidayay taageerada ciidanka iyo dhanka la-dagaallanka argagixisada, sababo la xiriira is-fahan waa soo kala dhex-galay isaga iyo Wasiir Jaamac
Mareykanka ayaa dhowr jeer Madaxweynaha Soomaaliya
Mareykanka ayaa dhowr jeer Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku wargeliyay in uu jiro wada-shaqeyn la’aan kala dhexeysa Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ahaa mas’uulkii ugu sarreeyay difaaca Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn oggolaaday cadaadiskii Mareykanka ee ahaa in Wasiir Jaamac laga wareejiyo Wasaaradda Gaashaandhigga, taas oo in muddo ah ay diidanaayeen
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si weyn ugu xirnaa dowladda Turkiga, oo la rumeysan yahay in muddo badan ay xilka ku haysay, hase yeeshee waxaa muuqata in dowladda federaalka ay dooratay Mareykanka, maadaama taageerada Mareykanka ee ciidanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka weyn tahay midda Turkiga.
Jaamac intii uu xilka hayay, waxa uu la kulmay dhalleeceyn xooggan, iyadoo si weyn loo naqdin jiray tallaabooyinkiisa, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada Wasiirkan ayaa sidoo kale si weyn u weerari jiray mucaaradka isagoo mar kasta dowladda Xasan Sheekh ka difaaci jiray eedeymaha uga imaanayay siyaasiyiinta mucaaradka wuxuuna qof firfircoon ka ahaa baraha bulshada.
Taas ayaa keentay in bulshadu si adag u dhaliisho, maadaama uu inta badan waqtigiisa ku bixin jiray baraha bulshada, halkii uu diiradda saari lahaa waajibaadka Wasaaradda Gaashaandhigga
0 Comments