Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha lagu arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Kooxda alshabaab

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho

 Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha lagu arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo soo galay inta u dhexeysa deegaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye

Xubnaha Al-Shabaab oo aad u habeysan

Xubnaha Al-Shabaab oo aad u habeysan ayaa lagu arkay iyaga oo maraya waddada dhinaceeda, waxaana kadib la maqlay rasaas kooban iyo madaafiic, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka rasaasta ayaa u dhexeysay ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas iyo xubnaha Al-Shabaab

Waxaana lasoo wariyay inay firxadeen maleeshiyaadkii

Waxaana lasoo wariyay inay firxadeen maleeshiyaadkii lagu arkay aaggaasi, iyaga oo horay usii galay dhulka hawdka ah ee ku yaalla halkaasi kooxda Al-Shabaab oo baraha bulshada qoraal kusoo daabacday ayaa si kooban uga hadashay arrintan waxayna sheegteen in dagaalyahannadeeda ay howlgal ku gaareen Lafoole iyo Xaawo Cabdi, kadibna ay si nabadoon kusoo laabteen, sida ay hadalka u dhigtay

Dhaq-dhaqaaqan laga dareemay duleedka Muqdisho, gaar ahaan aagga Lafoole ayaa dhinaca kale cabsi ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay si dhuumaaleysi ah ay halkaasi kusoo gaareen Al-Shabaab, suuragalna tahay inay isku dhinacyo dhacaan xaaladda ayaa haatan ah mid deggan

Waxaana goobaha saaka lagu arkay Al-Shabaab ku sugan ciidamada ammaanka oo isku fuliyay dhulkaasi, si ay uga hortagaan maleeshiyaadka Khawaarijta deegaannada, Lafoole, Xaawo iyo Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ku sugan ciidamada Boolis Milataaro oo halkaas ka ilaaliya amniga caasimada, waxayna fariisimo iyo bara koontarool ay ku leeyihiin deegaannadaasi, kuwaas oo lagu hubiyo gaadiidka

Marar badan ayay sidaan oo kale dhacday, waxaana xubnaha Al-Shabaab lagu arkaa deegaannada u dhow caasimada, iyaga oo sidoo kale weerara fariisimaha ciidamada iyo degmooyinka dhaca cirifyada, sida Kaxda iyo Daynille oo ka tirsan gobolka Banaadir dhowaan ayay sidoo kale ay ahayd markii Al-Shabaab ay gudaha u galeen degmada Balcad oo iyana 35 KM u jirta caasimada, iyagoo saacado kadibna dib uga baxay degmadaas

Arrimahan ayaa keenay su’aallo badan oo la’iska waydiinayo qorshaha dagaalka ay dowladda kula jirto argagixisada ee muddada dheer socda, waxaana ay dowladda ay ku cel-celisaa in la xoreeyay dhul ballaaran, hase ahaatee waxaa muuqata in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabteen deegaanno horay looga xoreeyay, ayna ka fuliyeen weeraro culus

Waxaa sidoo kale maleeshiyada Khawaarijta ay culeys xoogleh soo saaree  gobollada Shabeelooyinka oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen weeraro, iyaga oo qabsaday deegaanno horay looga saaray, waxaase hadda soconayo howlgallada ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo Macawiisleyda oo looga hortagayo argagixisada

Post a Comment

0 Comments