Muddo ku dhow labaatan sano ka hor
Muddo ku dhow labaatan sano ka hor, ayuu Koneru Apparao oo ah nin u dhashay dalka Hindiya tareen ka raacay meel u dhow xadka Gobollada Pradesh iyo Odisha isaga oo ku sii jeeda Magaalada Puducherry ee dalka Hindiya, si uu halkaas shaqo uga raadsado Koneru Apparao waxa uu xilligaas ku jiray da'da afartan jirka, waxaanu tareenkii la istaagay Istaan ama boosteejo laga raaco tareennada oo ku taala Degmada Sivaganga ee Gobolka Tamil Nadu ee Koonfurta Hindiya, ka dib wuu ka degay, si u shaah doonto
Apparao markii uu ka soo laabtay Shaaha,
Apparao markii uu ka soo laabtay Shaaha, waxa uu mar kale fuulay tareenkii, waxa tareenka dhexdiisa ay iska heleen nin, kaas oo taageero u fidiyey Apparao Koneru Apparao, waxa uu u gacan galay ninkan tareenka dhexdiisa iska heleen, kaas oo ka dhigtay shaqaale khasab ugu shaqeeya oo xoolaha u raaca muddo labaatan sanno ah
Ciidanka booliska ayaa gacanta ku dhigay Annadurai
Ciidanka booliska ayaa gacanta ku dhigay Annadurai, oo ah ninka shaqaalaha khasabka ah ka dhigtay Apparao, muddo labaatan sanno ah bilaa mushahar ugu shaqaynayey qofkan muddada labatanka sanno ah ka dhigtay Apparao inuu si bilaasha ugu shaqaynayo, isaga oo aan siin wax mushahar ah ayaa ahaa dadka adoonsada shaqaalaha
Hawlgal ay sameeyaan Waaxda shaqaalaha ee Gobolka Tamil Nadu ee Hindiya oo ka dhan ahaa shaqaalaha la adoonsado, ee sifaha sharci darada ah loogu shaqayso, ayaa lagu soo badbaadiyey Koneru Apparao, ka dib muddo labaatan sano ah oo adoonsi shaqo lagu hayey ka dib badbaadinta Koneru Apparao waxa ay imika da'diisu tahay Lixdan sano, labaatan sanno oo ka mid ah cimrigiisa wuxuu ku qaatay xoolaha uu u raaco nin shaqaale khasab ah u haystay
Muddadan waxa uu ilaabay afkiisii hooyo ee Telugu, waxaanu ku hadlaa luqad u eg midda Tamilka oo ah mid lagaga hadlayey Gobolkan uu xoolaha ku raaci jiray, inkasta oo uu dhib ku qabo inuu si wacan ugu hadlo mulkiilaha wuxuu i siiyey seddexda wakhti cunto maalintiiba, laakiin ima siin jirin wax mushahar ah Koneru Apparao waxa uu imika ku nool yahay guri dadka waayeelka lagu hayo ee ku yaal degmada Sivaganga ee gobolka Tamil Nadu
Iyada oo Mas'uuliyiinta Tamil Nadu iyo Andhra Pradesh ay ku dedaalayaan sidii Apparao u heli lahaa qoyskiisa markii la isku dayey Koneru Apparao in la baadi goobo meesha uu ku dhashay ee uu ka soo jeedo, waxa uu sheegtay deegaanno ay ka mid yihiin Tuulada Jammidivalasa ee degmada Parvatipuram, Jammadvalsa, Odisha iyo Jangi Diwalsa, oo ah dhamaantood degmooyin ku yaala dalka Hindiya
Sidoo kale, Mas'uuliyiinta Deegaanka Tamil Nadu iyo Andhra Pradesh, ururada bulshada, ururada qabiilka, NGO-yada, iyo kooxaha warbaahinta bulshada ayaa sidoo kale ka qayb qaadanayey raadinta qoyska Apparao sidoo kale deeganka Jammidavalsa ee degmada Parvatipuram ayaa laga raadiyey qoyska Koneru Apparao, balse halkaas lagama helin cid garata
Sidoo kale, Jangidiwalsa ayaa laga raadiyey qoyska Koneru Apparao, halkaas waa laga waayey cid aqoonsata sawirkiisa waxa sababay baadi doon madaama oo aanu si fiican u xasuusan meesha uu ku dhashay iyo halka uu qoyskiisu degan yahay
0 Comments