Ku xigeenkii horjoogaha Khawaarijta ee Sh/Dhexe Yuusuf Dhegnaas oo lagu dilay Ruun-nirgood.

 
Kooxda alshabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay shaacisay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay shaacisay in la dilay ku xigeenkii Horjoogaha Khawaarijta ee gobolka Sh/Dhexe kaas oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Dhegnaas kadib duqeymo culus oo ka dhacay aagga Ruun-nirgood afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga somalia Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa shaaciyey in ninkaas lagu dilay duqeyn xalay laga fuliyey deegaanka Ceelbacad oo hoos taga degmada Ruun-nirgood

Horjoogaha caawa la dilay ayaa hoggaaminayey weerarrada

Horjoogaha caawa la dilay ayaa hoggaaminayey weerarrada Al-Shabaab ay ka wadaan Shabeellaha Dhexe wuxuuna markii la beegsaday aagga Ruunnirgood ka waday abaabul weerar sidoo kale NISA oo war ka soo saartay duqeymaha lagu dilay horjoogahaas ayaa sheegtay in lala dilay in ka badan 20 maleeshiyaad ah, sidoo kalena lagu gubay gaadiid dagaal oo Shabaab lahaa

Afhayeenka Gaashaandhigga ayaa sheegay in horjoogaha

Afhayeenka Gaashaandhigga ayaa sheegay in horjoogaha la dilay uu ka hooseeyey Kabakutukade oo ah horjoogaha guud ee Khawaarijta u qaabilsan gobolka Sh/Dhexe dilka dhagarqabe Yuusuf Dhegnaas oo ka hooseeyey Kabakutukade ayaan xalay ugu bishaareynayaa umadda Soomaaliyeed

Xitaa waxay isku dayeen inay dhaawaciisa badbaadiyaan oo gaari ayaa lagula cararay dhinaca Galcad, balse mar kale ayaa la duqeeyey waana la dhameystiray ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga XFS afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan aad loo qorsheeyey isla markaana la doonayo in maalmaha soo socda lagu soo afjaro khatarta kooxda Al-Shabaab ee ka jirta qeybo kamid ah Sh/Dhexe

Waxaan idinkugu bishaareynayaa in cadowga jab xoog leh uu gaaray, waxaa bilowday howlgal loogu magac daray dhameystirka Eeyaha Naarta’ maalmo kooban ayaan shacabkeena uga dul-qaadi doonaa dhagarta cadowgaan,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar oo caawa shir jaraa’id qabtay

Post a Comment

0 Comments