Waxaa cilad lama filaan ah ay ku timid qadka internet-ka
Waxaa cilad lama filaan ah ay ku timid qadka internet-ka Soomaaliya, taas oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho iyo dalka intiisa kale ciladda ayaa la xiriirta culeys ku yimid guud ahaan adeegga internet-ka, waxaana hoos u dhacay xawaarihiisa oo si weyn ay u dareemeen dadweynaha isticmaala
Wararka ayaa sheegaya in cilad ay ku timid mid kamid
Wararka ayaa sheegaya in cilad ay ku timid mid kamid ah xargaha xambaara internet-ka ee mara gacanka Cadmeed, waxayna taas sababtay in hoos u dhac uu ku yimaado xawaaraha internet-ka Soomaaliya oo kaliya ma ahan, waxaana sidoo kale ciladda internet-ka ay gaartay waddamada Masar, Pakistan iyo Kenya, maadaama ay iyaguna isticmaalaan xargaha mara badda hoosteeda
Dhinaca kale shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa xaqiijisay
Dhinaca kale shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa xaqiijisay ciladda soo korortay oo si weyn loo dareemay maalmihii lasoo dhaafay, waxaya macaamiisha la wadaagtay farrriin wargelin ah waxaa cillad ku timid mid ka mid ah xargaha xambaara internet-ka ee badda hoosteeda mara, gaar ahaan aagga Badda Cas
Arrintan waxay saameyn ku yeelatay adeegyada internet-ka ee Soomaaliya, Kenya, Masar, iyo Pakistan, taasoo keentay hoos u dhac xawaare” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom sidoo kale farriin kale oo ay goordhow soo saartay shirkadda ayaa waxa ay ku sheegtay in la xalliyay ciladdii ku timid internet-ka, ayna ka howlgaleen kooxda farsamada ee shirkadda Hormuud oo kaashanaya khubaro caalami ah
Macaamiilkeena sharafta leh, Waxaan kuugu bishaaraynaynaa in aan xallinnay culeyskii internet-ka ee ka dhashay cillad soo gaartay mid kamid ah xargaha internet-ka xambaara ee mara badda hoosteeda” ayay mar kale qoraal ay soo saartay ku tiri Hormuud marar kala duwan ayay cilad weyn ku timid adeegga internet-ka ee guud ahaan dalka, waxaana ka dhasha saameyn ballaaran, maadaama ay aad ugu xiran yihiin dadka Soomaaliyeed
0 Comments