Kooxda Arsenal ayaa ku cadho bur-burtay kooxda PSV
Kooxda Arsenal ayaa ku cadho bur-burtay kooxda PSV kula ka tirsanaa Champions League lugta 1-aad ee wareega 16-ka Arsenal ayaa kulanka Soo gashay iyaga oo bilaa guul ah kulamadii ugu dambeeyay xiddiga Timber ayaa dhaliyay goolka furitaanka daqiiqadii 18-aad ka Hor inta uuna xiddiga Nwaneri raacin goolka 2-aad daqiiqadii 21-aad kana dhigin 2/0
Xiddiga Mikel Merino ayaa dhaliyay goolka 3-aad
Xiddiga Mikel Merino ayaa dhaliyay goolka 3-aad daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta kooxda PSV ayaa daqiiqadiihii ugu dambeeyay dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Lang kaas oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa qaybtii dambe ayay Arsenal ku dur-durisay PSV iyaga oo dhaliyay goolal kale
Kabtanka Kooxda ee Ødegaard ayaa daqiiqadii 46-aad
Kabtanka Kooxda ee Ødegaard ayaa daqiiqadii 46-aad dhaliyay goolka 4-aad ka Hor inta uuna Trossard dhalin goolka 5-aad ee kooxdiisa daqiiqadii 48-aad kabtanka Arsenal ee Odegaard ayaa daqiiqadii 78-aaf dhaliyay goolka 6-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka Dhigay 6/1 calafiori ayaa dhaliyay goolka 7-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka Dhigay 7/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul weyn ka Gaadhay kooxda PSV Hal lug-na la Gashay Qurter-final-ka Champions League dhinaca kale kooxda Real Madrid ayaa guul 2/1 ah ka gaadhay kooxda Atletico Madrid kulan labada kooxood si fiican u ciyaareen
0 Comments