Weerarka baaxadda leh ee ay kooxda Al-Shabaab
Weerarka baaxadda leh ee ay kooxda Al-Shabaab billowday bishii Febraayo, kaasi oo ay ku lug leeyihiin in ka badan 3,000 oo dagaalyahan oo laga qaaday gobolka Jubbada Dhexe si dib loogu qabsado gobolka istiraatiijiga ah ee Shabeellaha Dhexe, ayaa fashilmay. Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa weli iftiiminaya daldaloolada waaweyn ee ku jira nidaamka amniga Soomaaliya
Inkasta oo ay la kulmeen jab culus iyo iska caabin
Inkasta oo ay la kulmeen jab culus iyo iska caabin xooggan oo kaga timid ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah, kooxda Al-Shabaab ayaa weli muujinaysa adkaysi iyo awood ay ku fulin karto weerarro abaabulan oo dhimasho leh taas oo hoosta ka xarriiqaysa nuglaanta horumarka amniga ee laga gaaray Muqdisho
Weerarkii ugu halista badnaa ilaa hadda ayaa dhacay 18-kii Maarso
Weerarkii ugu halista badnaa ilaa hadda ayaa dhacay 18-kii Maarso, markaas oo kooxdu la beegsatay kolonyada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud qarax miino oo xooggan, meel u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho inkasta oo madaxweynuhu ka badbaaday waxyeello, qaraxa ayaa sababay dhimashada afar qof, taas oo muujinaysa awoodda ay kooxda u leedahay beegsiga bartilmaameedyada sare.
Maalmo ka hor intaas, Al-Shabaab ayaa weerarro isku xiran ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ee Awdhiigle iyo Hawo Abdi, oo ku dhow xuduudaha maamulka ee Muqdisho. Inkasta oo dowladda sheegtay inay iska caabisay weerarradaas, Al-Shabaab ayaa ku andacootay inay dishay ugu yaraan 30 askari.
Waxa si gaar ah u walaac leh in dagaalyahannadu si furan u joogeen isla markaana ay ku amar ku taagnaayeen xaafado ku yaalla duleedka Muqdisho habeenkii 15-kii iyo 16-kii Maarso — arrin muujinaysa farqi weyn oo ku jira amniga maxalliga ah halka ugu sarreysa ujeeddooyinka istiraatiijiga ah ee Al-Shabaab waa inay dib u qabsato marinno dhaqaale oo muhiim ah, gaar ahaan waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Itoobiya oo mara Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan
Waddadan oo horey looga nadiifiyey kooxda intii lagu guda jiray ololihii guuleystay ee dowladda ee 2022-kii, ayaa ah halbowlaha dhaqaalaha. Gacanta ku haynteedu waxay siisaa kooxda iyo maamullada maxalliga ah fursado canshuureed oo faa’iido leh taas oo sharraxaysa sababta ay si adag ugu dagaallamayaan deegaankaas.
Dhibaatooyinkii horey u jiray ayaa sii murugsamay kadib markii khilaafaadyo beeleed iyo go’doominta siyaasadeed ee Madaxweyne Maxamuud ay abuureen fursad ay Al-Shabaab ka faa’iidaysato si ay u xoojiso joogitaankeeda khilaafaadka beelaha Hawiye ee ku saabsan qaybsiga kheyraadka iyo matalaadda siyaasadeed ayaa sare u qaaday xiisadaha, gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, taasoo kooxda u suurtagelisay inay si xeeladaysan u adeegato fursadahaas.
11-kii Maarso, Al-Shabaab ayaa qaaday weerar culus oo lagu bartilmaameedsaday odayaal dhaqameed caan ah, iyadoo ku qaaday weerar xeeladeysan hudheel ku yaalla magaalada Beledweyne. Weerarkan ayaa ahaa kii ugu xooganaa ee lala beegsado caasimadda gobolka Hiiraan tan iyo 2022-kii.
Sidoo kale, dagaalyahanno ka tirsan kooxda ayaa si ku-meel-gaar ah u qabsaday degmada Balcad, halkaas oo ay ka sii daayeen maxaabiis, arrin muujinaysa awoodda ay u leeyihiin inay dib ugu soo noqdaan aagag hore looga sifeyn jiray sida degmada Cadale – taas oo tilmaamaysa qorshe ay ku doonayaan inay dib isugu xirmaan xarumahoodii kala go’naa iyadoo ay arrintu sidaas tahay,
Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa kordhiyay duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyadoo tirada weerarradaasi ay laba jibbaarmeen marka loo eego guud ahaan sanadkii 2024. Hase yeeshee, tallaabooyinkan weli si muuqata ugama hor istaagin Al-Shabaab inay sii waddo hawlgalladeeda dhowaanahan, kooxda ayaa baahisay farriin warbaahineed oo si cad ugu baaqaysa taageerayaasheeda inay u diyaar garoobaan “weji cusub oo dagaal ah,” taasoo muujinaysa suuragalnimada in dagaalka uu galay marxalad kasii halis badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si firfircoon ugu howlan sidii uu u xoojin lahaa iska caabinta maxalliga ah, isagoo booqday magaalooyin istiraatiiji ah sida Aadan Yabaal — oo horey ugu ahayd xarunta maamulka dhexe ee Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya, sidoo kalena leh istiraatiijiyad muhiim ah maadaama ay xakameyso waddooyinka sahayda.
Mar, magaaladaasi waxay ahayd xarunta dhexe ee kooxda oo heli jirtay taageero beeleed. Hase yeeshee, waddamada taageera amniga Soomaaliya sida Itoobiya, Uganda, Masar, iyo Mareykanka ayaan weli si muuqata u kordhin joogitaankooda milatari, taasoo muujinaysa kala shaki ama hoos u dhigid halista degdegga ah ee ay kooxda Al-Shabaab wajaheyso.
0 Comments