Shacabka iyo dowladu waa in ay u midowaan sidii loo soo afjari lahaa xagjir diimeedka ku soo badanaya dalkeena

Shacabka iyo dowladu

Tan iyo intii buburka dowladnimadii Soomaaliya

 Tan iyo intii buburka dowladnimadii Soomaaliya dhacay waxaa dalka ku soo xoogaysanayay xagjir wejiyo badan ah kuwaas oo ragaadiyay dalka, kana hor taagan in Soomaaliya nabad hesho dibna u hanato dowladnimadeedii in kastoo kooxaha caqabad ku ah Soomaaliya ay fara badan yihiin hadana labada xagjir ee ugu halista badani waa xaqjirka qabiil iyo xagjirka diineed

Maadaama ummadda Soomaaliyeed ay tahay beelo

Maadaama ummadda Soomaaliyeed ay tahay beelo isu tegay, xagjirka qabiilku maaha mid ku cusub, balse, wuxuu ahaa mid mid la nool kuna dhex milmay dhaqanka Soomaaliyeed ee reer-Guuraga ku salaysan laakiin waxa ku cusub oo ay la kufaa dhacaysaa maanta waa xagjirka diimeed sidaa awgeed maadaama aanan hal qormo kusoo wada koobi karin labada xagjir, waxaan qormadan kaga hadli doonaa oo qudha xagjirka Diimeed iyo sida looga guulaysan karo

Xagjirka diimeed inuu dhasho waxaa sabab u ahaa burburkii

Xagjirka diimeed inuu dhasho waxaa sabab u ahaa burburkii ku yimid Qaranimadii iyo Midnimadii Soomaaliyeed, kaas oo ay asbaabteeda lahaayeen Jabhadihii Xagjirka Qabiil xambaarsanaa, kuwaas oo inay dowladii jirtay ridaan maahee aan wax qorshe badiil ah wadan xagjirka diimeed ee Soomaaliya maaha mid dhawaan bilaabmay balse waxaa dad baan oo taariikhda Soomaaliya iyo mida dhaqdhaqaaqyada diimeed wax ka qoraa aaminsan yihiin in xagjirkii ugu xooga badnaa uguna horeeyay ahaa

Halgankii Daraawiishta uu hogaanka u hayay Sayid Maxamed Cabdulle Xassan dad badan ayaa laga yaabaa inay dood ka keenaan arintaasi halgankii Sayidkana u arkaan mid Jihaad iyo wadaniyadeed oo looga soo horjeeday guumaysigii naga diinta iyo dubka duwanaa ee dalka kusoo duulay waa run in halgankaasi sifooyinkaas xambaarsanaa 

Laakiin waxaa hareer socday tacadiyo iyo calaamado badan oo lagu garto xagjirka diimeed kaas oo lagula kacay shacab badan oo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, sidaa takfiirinta ama dadka oo la gaalaysiinay dhiiga qofka and koox (Qabiil) Muslim ah oo la banayst dhac iyo baad loo gaysto bulshada laguna xalaalaysto xoolahooda 

Cirib tir, xasuuq iyo qax loo kacay beelo aad u faro badan oo Soomaaliyeed.…xagjirkii labaad ee aragti awood iyo saamaynba ku dhawaa kii Sayidku wuxuu ahaa Xarakada Al-Shabaab Al-Shabaab waxaa dhaliyay duruufo la mid ah kuwii dhaliyay halgankii Daraawiishta sida in Shacabka Soomaaliyeed noqdeen dad burburay oo beelo isku laynaya, khilaafkoodaasna uu sababay in midnimadii iyo dowladnimadii burburto

In dalka ay soo galeen ciidamo shisheeye, iyo kuwo Itoobiyaan ahba, kuwaas oo dad badan ay u arkayeen guumaysi soo jireen ah oo ku soo duulay dalka, dowlado dano gaar ah ka leh Soomaaliyana ay daaha xagiisa danbe ka maamulayaan, iyo in nidaamyo reer galbeed oo Shareecada Islaamka ka hor imanaya, midnimadii dalkana u kala qaybshay beelo midba deegaan gaar ah maamulo laga dhisay

Post a Comment

0 Comments