Ra’iisul Wasaaraha Xamza oo caawa si adag uga hadlay dagaalka Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xamza

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo caawa hadlay ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro cadowga Khawaarijta ee nabadda iyo horumarka u diiddan umadda Soomaaliyeed Xamsa ayaa sheegay in cadowga jab xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka

Xilli uu ka hadlayey munaasabad Afur wadareed ah

Xilli uu ka hadlayey munaasabad Afur wadareed ah oo ay iskugu yimaadeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Malaysia qorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo inta ay taako ka mid ah joogaan waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Hadalka Xamsa Cabdi Barre

Hadalka Xamsa Cabdi Barre ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay jabeen dagaal culus oo kooxda Al-Shabaab ay kula wareegtay Masaajid Cali Gaduud oo ah deegaan muhiim ah oo 40 KM waqooyi ka xiga degmada Cadale caawa waa 27 Ramadan waliba sida culimada badankoodu sheegtay aad baa loogu badiyaa in ay tahay habeenka Leylatul Qadriga

Waxaan ugu yeerayaa dadka Soomaaliyeed dhammaantood in la is cafiyo, qof qof iyo koox koox in la isku cafiyo, dalkana loo duceeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ra’iisul Wasaaruhu Xamsa ayaa munaasabadaas uga mahadceliyey aqoonyahanka afurka soo agaasimay, isagoo ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska ka socda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kaalinta aqoonyahanka ay tahay lama huraan, si buu yiri “loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta dhibaatada ugu weyn ee hadda Soomaaliya ka jirta waa kooxda Al-Shabaab oo dadka aad u laysa, kana soo horjeeda wax kasta oo nidaam iyo dowladnimo ah

Sidoo kale dowladda oo dagaal rasmi ah kula jirta ayaa hadda waxaa soo wajahay culeys dhanka qorshaha dagaalka iyo nidaamka ciidanka ah, taas oo fursad u siisay kooxdaan cadowga ah inay dib ugu soo laabtaan dhul labo sano ka hor laga xoreeyey

Post a Comment

0 Comments