Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur
Waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka
Waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka sidoo kale dagaalka ayaa kusii fiday tuulooyinka u dhow deegaanka Abagbeeday iyada oo dhawaqa rasaasta iyo hubka ay isku adeegsanayeen labada dhinac laga maqlayay meelo ka fog fog deegaanka uu dagaalka ka dhacay ee gobolka Bakool
Taliyaha guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka
Taliyaha guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gashaanle dhexe Yuunis Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay dagaalka ay la galeen kooxaha Khawaarijta, wuxuuna sheegay in khasaare culus ay gaarsiiyeen, ayna ku jabiyeen dagaalka, balse ma caddeyn inta uu gaarsiisan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalka kadib ay hub iyo saanad milatari kasoo furteen xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ay jabka ku gaarsiiyeen aagga degmada Xudur dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka dhacay deegaanka Abagbeeday ee gobolka Bakool oo hoostaga Koonfur Galbeed Soomaalya
Hadalkan ayaa kusoo aadayo toddobaadyadii la soo dhaafay ay gobollada Baay iyo Bakool gaareen tiro badan oo dagaalyahanno ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo wata gaadiidka dagaalka, laguna soo jabiyay howlgallada ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe sida uu shaaciyay taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Xasan Isaaq Cumar, oo loo yaqaanno (Xasan Baydhabo).
Taliyaha ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab ee deegaannada Koonfur Galbeed, wuxuuna tilmaamay inay ka hortagayaan, taas oo keentay dagaalka maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool waan ognahay in cadowga nabadda diidan laga saaray Shabeellaha Dhexe waxa ay la kulmeen khasaare ballaaran, haatanna waxay u jiheysteen dhanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool
Ciidankeenna waa diyaar, waxaana uga hortagi doonnaa qorshahooda sidii aan horeyba ugu guuleysanay gobollo kale,” ayuu yiri Janaraal Xasan Baydhabo sidoo kale waxa uu faray ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan aaggaas in ay galaan heegan buuxa, si ay uga hortagaan in weeraro ay Al-Shabaab ka gaystaan halkaasi
Waxaan faray taliyeyaasha guutooyinka Qaybta 60-aad in ay feejignaadaan, isla markaana ay sugaan ammaankooda, ayna difaacaan gobolka cadowga,” ayuu raaciyay si kastaba ha ahaatee, howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ayaa Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare culus, taas oo keentay in dagaalyahanadooda ay u kala firxadaan deegaanno cusub oo ay ugu horreeyaan gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed
0 Comments