Al-Shabaabkii Sh/Dhexe oo u cararay laba gobol oo kale kadib guul-darrooyin culus

Al-Shabaabkii Sh/Dhexe

Tiro badan oo dagaalyahanno ka tirsan kooxda AlShabaab

Tiro badan oo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo ay wehliyeen gaadiid dagaal, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay u wareegay gobollada Bay iyo Bakool, kaddib guuldarrooyin culus oo ka soo gaaray dagaallada socda ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha milatariga Isniintii

Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Janaraal Xasan Isaaq Cumar, oo loo yaqaanno Xasan Baydhabo, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa kooxdaasi ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed

Waan ognahay in cadowga nabadda diidan

Waan ognahay in cadowga nabadda diidan laga saaray Shabeellaha Dhexe. Waxa ay la kulmeen khasaare ballaaran, haatanna waxay u jiheysteen dhanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool. Ciidankeenna waa diyaar, waxaana uga hortagi doonnaa qorshahooda sidii aan horeyba ugu guuleysanay gobollo kale,” ayuu yiri Janaraal Xasan Baydhabo

Taliyuhu waxa uu xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda heegan ugu yihiin inay ka hortagaan joogitaanka kooxda ee Koonfur Galbeed waxaan faray taliyeyaasha guutooyinka Qaybta 60-aad in ay feejignaadaan, isla markaana ay sugaan ammaankooda, ayna difaacaan gobolka cadowga,” ayuu yiri

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ayaa kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare culus, taasoo keentay in dagaalyahannadooda ay u kala firxadaan deegaanno cusub madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ciidan, ayaa booqday jiidaha hore ee dagaalka ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan

Si uu uga qeyb galo kormeerka hawlgallada, kuwaas oo lagu xoojiyay weerarada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab dhanka kale, ciidamo ka tirsan ilaaladiisa oo kusoo haray degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa adkeeyay amniga, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu u sii jihaysanayo deegaanno aan weli si rasmi ah loo shaacin

Xog ay heshay  ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dagaalka hoggaaminaya, uu ku haminayo in ciidda ka hor laga saaro Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe, oo hadda ay billaabeen in ay ka cararaan

Post a Comment

0 Comments