Horumarka somalia waxaa dib u dhigay labo kooxood alshabaab iyo daacish waa in shacab iyo dowladba u midobaan si loo soo afjari lahaa

Kooxda, alshabaab

 Tan iyo intii buburka dowladnimadii Soomaaliya

Tan iyo intii buburka dowladnimadii Soomaaliya dhacay waxaa dalka ku soo xoogaysanayay xagjir wejiyo badan ah kuwaas oo ragaadiyay dalka, kana hor taagan in Soomaaliya nabad hesho dibna u hanato dowladnimadeedii.   In kastoo kooxaha caqabad ku ah Soomaaliya ay fara badan yihiin, hadana, labada xagjir ee ugu halista badani waa xaqjirka qabiil iyo xagjirka diineed

Xagjirka diimeed inuu dhasho waxaa sabab u ahaa burburkii

Xagjirka diimeed inuu dhasho waxaa sabab u ahaa burburkii ku yimid Qaranimadii iyo Midnimadii Soomaaliyeed, kaas oo ay asbaabteeda lahaayeen Jabhadihii Xagjirka Qabiil xambaarsanaa, kuwaas oo inay dowladii jirtay ridaan maahee aan wax qorshe badiil ah wadan Al-Shabaab waxaa dhaliyay duruufo la mid ah kuwii dhaliyay halgankii Daraawiishta sida

In Shacabka Soomaaliyeed noqdeen dad burburay

In Shacabka Soomaaliyeed noqdeen dad burburay oo beelo isku laynaya, khilaafkoodaasna uu sababay in midnimadii iyo dowladnimadii burburto in dalka ay soo galeen ciidamo shisheeye, iyo kuwo Itoobiyaan ahba, kuwaas oo dad badan ay u arkayeen guumaysi soo jireen ah oo ku soo duulay dalka, dowlado dano gaar ah ka leh Soomaaliyana ay daaha xagiisa danbe ka maamulayaan, iyo

in nidaamyo reer galbeed oo Shareecada Islaamka ka hor imanaya, midnimadii dalkana u kala qaybshay beelo midba deegaan gaar ah maamulo laga dhisay Soomaaliya oo culayskii Al-Shabaab la ciir-ciiraysa ayaa waxaa saaxadii kusoo biiray Daacish (ISIS) walow labada kooxood ay arimo badan isaga aragti yihiin hadana waxaa jira meelo ayay ku kala duwan yihiin sida hogaanka iyo kooxaha ay ku kala ab tirsadaan

Al-Shabaab waxay xiriir la leedahay Al-Qaacida halka Daacishna ay ka amar qaadato Daacishta Iraq iyo Siiriya imaanshihii Daacish wuxuu markiiba abuuray isku dhac labada kooxood ku dhex maray Muqdhiso kaas oo salka ku hayay tartar loogu jiray cida gacanta ku dhigaysa baada ganacsatada Muqdisho laga qaado

Maxaa yeelay laba kooxood midna ma sii jiri karto hadii aysan awood dhaqaale helin Al-Shabaab oo dareentay halista kooxda ayaa go’aan ku gaartay inay kooxdaan xididada u siibtay inta aysan awood iyo saamayn weyn ku yeelan koonfurta dalka gaar ahaan Muqdisho waxaana dagaalkii labada kooxood dhex maray ku guulaystay Al-Shabaab oo si arxan daro ah u xasuuqay Daacishtii Muqdisho joogtay  

Sidaas ayaana Daacish isaga huleeshay Muqdisho una digo rogatay deegaamada Calmiskaas dowlada Puntland iyo hogaankeeda madaxweyne Siciid Cabdullahi oo dareemay halista kooxdana uu abaabulay dagaal baaxad weyn kaas oo lagu qaaday Daacish dagaalkaasi wuxuu mideeyay shacabka reer Puntland gudo iyo dibadba

Qurbajoogta ayaa maayiin lacag ah ugu yaboohay ciidanka dadka gudaha joogana ay xoolo raashin, saad iyo sahay kaleba la dhinac taagan yihiin ciidankooda midnimadaan bulsho iyo dhiiranaanta hogaamiyeed iyo naftii hurisnimada ciidanka ayaana suurta gelisay in mudo ku kooban laba bilood 80% deegaamadii Daacishtu ku dhuumanaysan laga qabsaday tiro aad u faro badan oo ajaanib u badana laga dilay hadana lagu raad joogi firxadkoodii

Post a Comment

0 Comments