Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa haatan wajahaya xaalad adag oo ku aadan loolanka doorashada kusoo foodka leh, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkiisa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ayaa si weyn uga socda Galmudug, waxaana sidoo kale bilowday olole ay wadaan xubnaha musharixiinta ee kasoo horjeedo
Kuwaas oo doonaya inay meesha ka saaraan Qoor Qoor
Kuwaas oo doonaya inay meesha ka saaraan Qoor Qoor, isla markaana uu isbeddal wayn ka dhaco Galmudug arrimaha culeyska kusii badanaya madaxweyne Axmed ayaa waxaa kamid ah in deegaanada qaar ay musharixiinta ka bilaabeen ololahooda, isla markaana si weyn looga taageeray, waxaana kamid ah degmada Xarardheere, inkastoo Qoor Qoor uu tallaabo qaaday
Kadibna xilkii uu ka xayuubiyay guddoomiyihii maamulka
Kadibna xilkii uu ka xayuubiyay guddoomiyihii maamulka degmadaas Maxamed Yuusuf Kulmiye oo taageero u muujiyay musharraxa Liibaax Shuluq sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin saameyn leh oo 5 tii sano ee lasoo dhaafay la shaqeynayay Axmed Qoor Qoor, kuwaas oo hadda banneeyay garabkiisa, xilli uu wajahayo xaalad adag.
Siyaasiyiintaas waxaa kamid ah Cumar Shiddo wasiiru dowlihii madaxtooyada Galmudug oo dhowaan is casilay, sababo la xiriira loolanka loogu jiro doorashada ee haatan socda waxaa sidoo kale haatan is casilay Axmd Shire Falagle oo la-taliye u ahaa madaxweynaha Galmudug
Sidoo kalena horay usoo noqday wasiirka warfaafinta Galmudug falagle oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in sababo isaga u gaar ah uu isku casilay, laakin waxaa la rumeysan in go’aankiisa uu la xiriira arrinta doorashada Galmudug
0 Comments