Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgalo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Dowladda Fedaraalka

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

 Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey howlgalo qorshaysan oo lagu beegsaday Al-Shabaab oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose wasiiru dowlaha ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid u dhacay sidii loogu talo galay, islamarkaana jab xoogan lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan oo Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaano hoostaga Sabiid iyo Caanoole

Wuxuu sidoo kale uu tilmaamay wasiiru dowlaha

Wuxuu sidoo kale uu tilmaamay wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya in kooxda Al-shabaab ay burburisay mid ka mid ah buundoyinka muhiimka ahaa ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay kooxdu ku xirtay qarax Miino ciidamadu geesiyaasha ee xoogga dalka iyo kuwa AUSSOM 

Waxay ku guuleysteen iney cagta mariyaan 

Waxay ku guuleysteen iney cagta mariyaan gabaadyo Khawaarijta ku leheyd deegaano hoostaga Sabiid iyo Caanoole, waxaana ciidamadu howlgalada ku soo qabteen xubno ka tirsan Khawaarijta oo aan lasoo wadaagi doono warbaahinta, waxaa jirta in Cadawga Ummada Soomaaliyeed maalmahan ku howlanayeen burburinta buudooyinka

Shalay ayaa u dambeysay waxay miino ku buburiyeen  buundo mana ahan mid looga hari doono" ayuu yiri Wasiiru dowladaha Gaashaandhigga  Cumar Cali Cabdi wuxuu sidoo kale xusay Wasiir Cumar Cali in ciidamada iskaashanaya ay howlgalada ku soo furteen hub faraban oo ay laheyd kooxda Al-shabaab ee laga saaray godadkii iyo gabaadyadii ay ku lahaayeen deegaanada hoostaga Sabiid iyo Caanoole0

Wasaaradda gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesiyaasha CXD iyo kuwa AUSSOM ee “ Hawlgalka Duufaanta Aamusan” oo qeyb ka ah duulaanka dalka looga xoreynayo Khawaarijta" ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi

Ugu dambeyntii wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab

Post a Comment

3 Comments

  1. Dowladu waa in ay fiirin mucaaradka ay ka shaqeesaa danaha dalka

    ReplyDelete
  2. Dowladu waa in ay waxqabad la imaadaa

    ReplyDelete
  3. Shaqo adag ayaa hortaala dowladu waa in aysan ku mashquulin waxyaaba kale

    ReplyDelete