Dib u dhacay ku yimid gogoshii uu dhawaan ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh


Somalia

Waxaa maanta dib u dhac ku yimid gogoshii wadatashiga

Waxaa maanta dib u dhac ku yimid gogoshii wadatashiga ee uu dhawaan iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo lagu waday in maanta ay ka furanto magaalada Muqdisho,  sida ay shaacisay Warbaahinta Dowladda warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in maalinta barrito ah oo ku beegan 16-ka bishaan gogosha ay ka furmi doonto magaalada Muqdisho, iyadoo tilmaamtay in Madashaan ay kasoo qayb gelayaan wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha Dalka iyo dibadda

Waxaana dhanka kale dhamaystirkii ugu danbeeyay 

Waxaana dhanka kale dhamaystirkii ugu danbeeyay ku jira diyaar garawga gogasha oo ay wadaan guddi gaar ah oo xukuumaddu u saartay taabagalinta shirka gogoshaan ayaa Madaxda Qaranku waxa ay wadatashi la yeelanayaan indheergaradka Soomaaliyeed, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, sida Midnimada dalka, Amniga, Dastuurka iyo Doorashada

Hogaamiyeyaasha Mucaaraadka iyo Siyaasiyiin

Hogaamiyeyaasha Mucaaraadka iyo Siyaasiyiin ururadoodu ka diiwaan geliyay Guddiga Doorashooyinka ayaa dhinacba dhinaca kale Dowladda usoo jeediyay sharuudo ay tahay marka ugu horeeysa in la fuliyo inta uusan furmi shirkaasi, waxyaabaha laisku haayo waxaa ugu waa weyn arrimaha Dastuurka iyo Doorashooyinka

Sidoo kale Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa siweyn u daneenaya in gogashaan la keeno Madaxda maamulada Jubaland iyo Puntland oo horey u xumaa xiriirkoodi Dowladda federaalka Soomaaliya madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hadlaayay maanta ayaa sheegay in shirkii maanta loo madlanaa uu u baaqday in markii horeba si fiican aan looga baaran degin, waxaana uu carabka ku dhuftay in shirar dhab ah oo go'aano wadajir ah lagu gaaro ay qabato Dowladda Soomaaliya

Post a Comment

3 Comments