Waxaa maanta dib u dhac ku yimid gogoshii wadatashiga
Waxaa maanta dib u dhac ku yimid gogoshii wadatashiga ee uu dhawaan iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo lagu waday in maanta ay ka furanto magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay Warbaahinta Dowladda warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in maalinta barrito ah oo ku beegan 16-ka bishaan gogosha ay ka furmi doonto magaalada Muqdisho, iyadoo tilmaamtay in Madashaan ay kasoo qayb gelayaan wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha Dalka iyo dibadda
Waxaana dhanka kale dhamaystirkii ugu danbeeyay
Waxaana dhanka kale dhamaystirkii ugu danbeeyay ku jira diyaar garawga gogasha oo ay wadaan guddi gaar ah oo xukuumaddu u saartay taabagalinta shirka gogoshaan ayaa Madaxda Qaranku waxa ay wadatashi la yeelanayaan indheergaradka Soomaaliyeed, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, sida Midnimada dalka, Amniga, Dastuurka iyo Doorashada
Hogaamiyeyaasha Mucaaraadka iyo Siyaasiyiin
Hogaamiyeyaasha Mucaaraadka iyo Siyaasiyiin ururadoodu ka diiwaan geliyay Guddiga Doorashooyinka ayaa dhinacba dhinaca kale Dowladda usoo jeediyay sharuudo ay tahay marka ugu horeeysa in la fuliyo inta uusan furmi shirkaasi, waxyaabaha laisku haayo waxaa ugu waa weyn arrimaha Dastuurka iyo Doorashooyinka
Sidoo kale Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa siweyn u daneenaya in gogashaan la keeno Madaxda maamulada Jubaland iyo Puntland oo horey u xumaa xiriirkoodi Dowladda federaalka Soomaaliya madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hadlaayay maanta ayaa sheegay in shirkii maanta loo madlanaa uu u baaqday in markii horeba si fiican aan looga baaran degin, waxaana uu carabka ku dhuftay in shirar dhab ah oo go'aano wadajir ah lagu gaaro ay qabato Dowladda Soomaaliya
3 Comments
Dowladu waa in ay mucaaradka ka adkaata
ReplyDeleteXasan sheekh waa inuu la imaada qorshe kale
ReplyDeleteDowlaadu waa in ay waxqabad la timaada
ReplyDelete