Taliyaha ciidamada Itoobiya oo ka digay khatar amni oo Itoobiya uga imaan karta Soomaaliya

Somalia iyo itoobiya

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya

 Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa sheegay in Ethiopia ay  halis amni oo weyn kaga imaan karto xoogag uu ku tilmaamay inay si weyn isugu urursadeen gudaha Soomaaliya hadalkan ayuu ka jeediyay mar uu hortegay baarlamaanka Itoobiya si uu uga warbixiyo waxqabadka ciidamada muddadii sagaalka bilood ee la soo dhaafay

Si kastaba ha ahaatee, Berhanu Jula ma uusan caddeyn

Si kastaba ha ahaatee, Berhanu Jula ma uusan caddeyn in hadalkiisa ku saabsan "xoogagga cadowga ah ee ku urursan Soomaaliya" uu si toos ah ugu wajahnaa ciidamada Masar Taliyaha ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ay asal ahaan ujeeddadiisu ahayd xasillooni gelinta gobolka iyo taageeridda dowladda Soomaaliya

Hase yeeshee hadda xaaladdu ay si dhow ula xiriirto

Hase yeeshee hadda xaaladdu ay si dhow ula xiriirto amniga gudaha Itoobiya wuxuu xusay in Itoobiya ay ciidamo ku leedahay Soomaaliya laba siyaabood: kuwo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS iyo kuwo kale oo ku sugan dalkaas iyadoo la raacayo heshiis laba geesood ah, inkastoo uusan si cad u sheegin tirada ciidamadaas laba geesoodka ah

Berhanu Jula wuxuu sidoo kale tilmaamay in dowladda Masar – oo xiriirkeedu muddo dheer uu xumaa Itoobiya, gaar ahaan arrinta webiga Nile iyo biyo-xireenka GERD – ay ka faa’iidaysanayso khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya

Sida uu sheegay, bishii Agoosto 2024 ayay dowladda Masar heshiis militari la saxiixatay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la filayo in illaa 10,000 oo askari oo Masaari ah loo diro Soomaaliya, qaarna ay ka mid noqon doonaan howlgalka AUSSOM

Post a Comment

0 Comments