Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si degdeg ah
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si degdeg ah uga falcelisay go’aanka dowladda Maraykanka ee lagu mamnuucay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay u safraan dalkaas, iyadoo muujisay rabitaankeeda ah in arrintan si diblomaasiyad leh loo xalliyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka
Danjire Daahir Xasan Cabdi
Danjire Daahir Xasan Cabdi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay la shaqeyso dowladda Maraykanka si loo fahmo loona xalliyo walaacyada la xiriira amniga Soomaaliya waxay si weyn u qiimeysaa xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Mareykanka
Waxayna diyaar u tahay wadahadal wax ku ool ah
Waxayna diyaar u tahay wadahadal wax ku ool ah si loo wajaho cabashooyinka la xusay,” ayuu yiri safiirka go’aankan cusub ee lagu xaddidayo socdaalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa si gaar ah u saameyn doona ardayda, qaxootiga, iyo dadka doonaya inay la midoobaan qoysaskooda ku sugan Maraykanka
Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa si kulul u cambaareeyay xayiraaddna, iyagoo ku tilmaamay mid cunsuriyad salka ku haysa oo dhaawacaya xiriirka diblomaasiyadeed iyo dadaallada bini’aadantinimo madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa saxiixay amar cusub oo lagu mamnuucayo gelitaanka muwaadiniinta ka soo jeeda 12 dal
Soomaaliyana ay ku jirto. Trump ayaa sheegay in tallaabadani lagama maarmaan u tahay sugidda ammaanka dalka, la dagaallanka argagixisada ajnabiga ah, iyo kahortagga khataraha kale ee amni

0 Comments