Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buurta Cadayga oo ku dhow Ceel Baraf, gobolka Shabeellaha Dhexe war-saxaafadeed kaasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in intii uu socday howlgalka la dilay ugu yaraan 13 xubnood oo ka tirsan Alshabaab
Kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal
Kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal, halka tiro kalena lagu dhaawacay howlgalka ayaa lagu beegsaday sida ay Dowladda sheegtay, xarun ay Shabaabku ku abaabulayeen falal amni-darro ah oo ay la damacsanaayeen shacabka deegaanka
Sidoo kale, waxaa la burburiyay saanad hub ah
Sidoo kale, waxaa la burburiyay saanad hub ah oo halkaasi lagu diyaariya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay in ay ka go’an tahay la dagaalanka Alshabaab, iyada oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah
Duqayntaan ayaa kusoo beegantay xilli gobolka Shabeellada Dhexe uu intiisa badan gacanta u galay Alshabaab, iyadoo Dowladdu haatan waddo abaabul dagaal oo ay ku doonayso inay dib ugu qabsato degaanada gacanteeda ka baxay Dhawaan, Alsabaab ayaa sii daayay muuqaal ay ka diyaariyeen qaabkii ay ula wareegeen degmada Aadan Yabaal, iyagoo halkaas ku dilay ciidamo badan oo dowladda katirsan

0 Comments