Ronaldo: Aniga Oo Dhaawacan Ayaan Ciyaaray Hal Arin Ayaana Sabab U Ahayd.

Ronaldo

Xiddiga xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo

 Xiddiga xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa saxaafada la hadlay kadib markii uu koobka UEFA Nations League uu ku hogaamiyay xulka qarankiisa kulan ay rikoodhayaal kaga badiyeen xulka Spain

Dabcan, waxaan dareemayaa farxad aad u weyn

Dabcan, waxaan dareemayaa farxad aad u weyn, waxaan ku riyoonay riyooyin waa weyn oo ah inaan ku guuleysano horyaalkan oo kale. Jiilkani wuxuu u qalmaa magacan, Magacan waxaa iska leh qoyskayga, caruurteyda, taageerayaasha, iyo qoysaska ciyaartoyda”ayuu yidhi

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan ku guuleystay koobab badan

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan ku guuleystay koobab badan oo kooxo ah iyo abaalmarino badan oo shakhsi ah, laakiin ku guuleysiga Portugal waa mid aan la barbar dhigi karin isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “In aan la ciyaaro xulka qaranka oo aan matalo dalkayga waxa ay sharaf weyn ii tahay, in aan jiilkan hormuudka u noqdo waxa ay ii tahay sharaf aan la soo koobi karin, magacani wax badan ayuu iigu fadhiyaa

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaa i soo gaaray dhaawac fudud, kaasoo ka sii daray intii ay socotay ciyaarta, laakiin waxaan sameeyay wax walba oo aan ku caawin karo xulka

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay mustaqbalkiisa isagoo yiri: “Hadda waa waqtigii aan ka nasan lahaa dhaawacan oo aan u dabaaldegi lahaa horyaalka, waxaan ka fikiri doonaa mustaqbalkayga waqti kale, runtii aad ayaan u faraxsanahay

Post a Comment

0 Comments