Soomaaliya oo dadaal ugu jirta ku biirista ururka ganacsiga adduunka ee (WTO)

Soomaaliya


Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb-galay wada-hadallo ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO)

Wada-hadalladan, oo Soomaaliya muddo sugaysay

Wada-hadalladan, oo Soomaaliya muddo sugaysay, ayaa muhiim u ah dadaallada dalka ka socda ee lagu horumarinayo iskaashiga ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha ku biirista WTO waxa ay Soomaaliya u sahlaysaa helitaanka suuqyo ganacsi oo caalami ah, xoojinta maalgashiga shisheeye, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah

Soomaaliya ayaa horey uga mid noqotay ururrada

Soomaaliya ayaa horey uga mid noqotay ururrada gobolka sida East African Community (EAC) iyo Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), kuwaas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka

Sidoo kale, sanadkan 2025, Soomaaliya waxay xubin rasmi ah ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo muujinaysa kaalinta firfircoon ee dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarayso arrimaha caalamiga ah

Post a Comment

0 Comments