Saameynta dhaqaale iyo midda shakhsiyadeed ee Musk ay ku yeelanayso Khilaafka kala dhaxeeya Trump

Trump iyo Elon musk

Markii uu Elon Musk dhowaan ku dhawaaqay

 Markii uu Elon Musk dhowaan ku dhawaaqay inuu ka baxayo siyaasadda, maalgashatada ayaa rajeynayay in taasi ay la micno tahay inuu kor u qaadi doono ku lug lahaanshihiisa shirkado badan oo teknoloji ah oo uu maamulo khilaafkii ka dhex qarxay isaga iyo Donald Trump iyo baahintiisii ereyada adag ayaa soo jeedinaya isbeddelada mudnaanta u leh Musk, inaysan noqon karin badbaadada ay rajaynayeen

Baddelkii uu Musk ka yara jeesan lahaa

Baddelkii uu Musk ka yara jeesan lahaa indhaha dadweynaha oo uu diiradda saari lahaa kor u qaadida hantida Tesla iyo ganacsigiisa kale, wuxuu hadda arkay in uu hanjabaad qaadicitaanka ah uu kala kulmay mid ka mid ah macaamiishiisa ugu waaweyn oo ah dawladda federaalka ee Trump hogaamiyo siyasada Tesla ayaa khamiistii loo diray hoos u dhaca xorta ah ee 14%, sida uu baraha bulshada ka sheegay madaxweyne Donald Trump

Wax yar ayay dib u soo kabteen jimcihii

Wax yar ayay dib u soo kabteen jimcihii ka dib markii calaamadaha qaar ay soo yara dageen si kastaba ha ahaatee, maalgashatada iyo falanqeeyayaasha ayaa muddo bilo ah caddeynayay inay rabaan Musk uu telefoonkiisa damiyo oo uu ku soo laabto shaqada,hase ahaatee xaalku aad ayuu uga fogyahay qaar ayaa ku doodaya dhibaatooyinka ganacsi ee Musk ay aad uga qoto dheer yihiin dood iyo doorka muranka dhaliyay ee maamulka Trump oo u keentay dhamaad cajiib ah

Saxafiga ruug-caddaaga ah ee teknoolajiyada Kara Swisher ayaa u sheegtay BBC "Tesla waa u dhammaatay. Waxa ay ahayd shirkad baabuur oo aad u wanaagsan waxay ku tartami karaan tagaasida iskood isku wada laakiin waa ay dambeeyaan Tesla ayaa muddo dheer isku dayaysay la tartamida shirkadda xifaaltanku ka dhaxeeyo ee waymo oo ay leedahay Google-parent Alphabet,taas oo tagaasideeda darawal la'aanta sanado badan ay dhex marayeen waddooyinka San Francisco oo haddana ka shaqeeya dhowr magaalo oo kale

Waxa uu bulshada bartiisa X kula wadaagay asbuucii hore in samaynta baabuurta korontada ay tijaabisay shirkada ee Model Y iyada oo aan wax darawal ah la socon Ross Gerber oo ah madaxweynaha iyo maamulaha shirkada maalgelinta ee Gerber Kawasaki ayaa sheegay Musk uu yahay "Qof awood leh marka uu sheey diiradda saaro Gerber oo ka mid ah maalgashatada Tesla ayaa dib u soo ceshtay hantidiisa tan iyo markii uu Musk u galay siyaasadda garabka midig. Wuxa uu ugu yeeray Khamiista "maalin aad u xanuun badan

Waa waxa ugu doqonimisan ee aad samayn karto inaad ku fikirto inaad leedahay awood ka badan tan madaxweynaha Maraykanka," Gerber ayaa yiri, isaga oo ka hadlayay khudbadaha baraha bulshada Musk ee ka dhanka ah Trump BBC-du waxa ay la xiriirtay X, Tesla, iyo SpaceX iyada oo raadinaysa falcelinta Musk laakiin ma aysan helin jawaab

Dhibaatada gaarka ah ee Musk ayaa ah kahor inta uusan caddow ka dhex abuuran Trump inuu horay u lahaa mid kale oo ah olole ka dhan ah shirkadiisa gawaarida oo ka socday baraha bulshada oo loogu magac daray #TeslaTakedown, taasi oo socotay asbuuc kasta tan iyo markii Trump xilka uu la wareegay

Bishii Abriil, Tesla ayaa sheegtay in 20% hoos u dhac ku yimid iibka baabuurteeda gaar ahaan saddexda bilood ee ugu horreeya sanadka faa'iidada ayaa hoos u dhacday in ka badan 70%, qiimaha saamiguna waxa uu wajahay hoos u dhac arrin kale oo ka mid ah boqortooyadii Musk ee kicisay carada dadkiisa waa X oo ka mid ah baraha bulshada oo mar loo yiqiin Twitter waxa uu iibsaday Twitter-ka si uu saameyn u yeesho oo uu awoodo inuu gaaro boqolaal milyan oo qof," ayuu yiri Donovan

Post a Comment

0 Comments