Lionel Messi ayaa lagu wadaa inuu bilaabo koobka
Lionel Messi ayaa lagu wadaa inuu bilaabo koobka kooxaha aduunka 2025 markaas oo ay Inter Miami la ciyaari doonto Al Ahly, waxaana laga yaabaa inuu jabiyo rikooro dhowr ah inta uu socdo sixiroolaha reer Argentine ayaa hore Barcelona ula qaaday saddex jeer koobka kooxaha adduunka, laakiin marka la eego balaadhinta tartanka sanadkan
Waxa uu shaqadiisa gooyn doonaa
Waxa uu shaqadiisa gooyn doonaa, marka loo eego heerka tartanka halkan waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 5 rikoodh oo uu Lionel Messi jabin Karo tartanka goolasha ugu badan taariikhda Tartanka sida ay wax u socdaan, Cristiano Ronaldo ayaa heysta rikoorka gooldhalinta koobka kooxaha adduunka isagoo dhaliyay 7 gool
Si kastaba ha ahaatee, ma joogi doono tartanka xagaagan
Si kastaba ha ahaatee, ma joogi doono tartanka xagaagan, sidaas darteed ma awoodi doono inuu horay u sii socdo dhinaca kale Messi ayaa dhaliyay 5 gool shan kulan oo uu saftay koobka kooxaha adduunka taas oo la macno ah in uu laba gool oo kaliya ka hooseeyo rikoorka Ronaldo warka la eego in loo balan qaaday inuu ciyaaro ugu yaraan seddex kulan heerka group-yada, waxa fursad u heli doonaa in uu jabiyo rikoodhka Ronaldo
Gool Caawinta ugu badan Messi ayaa u baahan in uu shaqo adag qabto hadii uu doonayo in uu jabiyo rikoodhka Caawinta goolasha ee tartanka sida ay haatan wax u socdaan messi ayaa haatan hal caawin sameeyay tartanka koobka kooxaha adduunka waxana uu u baahanyahay 4 caawin oo kale si uu u noqdo xiddiga ugu caawinta badan taariikhda Tartanka
Caawinta iyo Goolasha ugu badan mar kale, kani waa rikoor uu hadda hayo Ronaldo wadar ahaan, CR7 waxa uu ku lug leeyayay 10 gool Tartanka koobka kooxaha adduunka taas oo ka dhigaysa xiddiga ugu waxqabadka fiican taariikhda Tartanka.
Ciyaartoyga ugu da’da weyn ee gool ka dhaliya Tartanka koobka kooxaha adduunka sida ay wax u socdaan, Javier Zanetti ayaa heysta rikoorkan, laakiin Messi ayaa heysta fursad uu ku jabiyo halyeeyga daafaca dambeedka midig ayaa gool dhaliyay 2010 Club World Cup isagoo da’diisu tahay 37 sano, 4 bilood iyo 5 maalmood
Marka la eego in Messi uu qarka u saaran yahay inuu u dabaaldego dhalashadiisa 38aad, wuxuu noqon doonaa ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee abid gool ka dhaliya tartanka haddii uu ku guuleysto inuu shabaqa soo taabto
0 Comments