Xogta hoobiyeyaal maanta lagu garaacay agagaarka garoonka Aadan Cadde

Kooxda alshabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka aroortii hore lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada illaa 4 hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen qaar kamid ah xaafadaha degmada Wadajir, gaar ahaan kuwa u dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah hoobiyeyaasha

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen xaafadda Ceelqalow, waxaana jira khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, waxaana haatan socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah ku socda shaqada garoonka oo ma jiro wax saameyn ah oo uu ku yeeshay weerarka hoobiyeyaasha ee lala damacsanaa.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments