Faahfaahin ku saabsan duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab

Kooxda alshabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay duqeyn culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab laga fuliyay qaybo kamid ah gobolkaasi, taas oo dhalisay khasaare xoogleh duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Cali Hayle oo u dhow xadka ay wadaagaan gobollada Galgaduud ee Shabeelaha Dhexe

Sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka

Sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka, waxaana lagu garaacay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan dhanka cirka ah ayaa sheegay in lagu beegsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas

Isla markaana laga war helin dhaq-dhaqaaq iyo abaabul

Isla markaana laga war helin dhaq-dhaqaaq iyo abaabul ay ka wadeen deegaanka lagu duqeeyay sidoo kale waxa ay sheegeen in khasaare culus lagu gaarsiiyay howlgalkan, sidoo kale lagu burburiyay saldhigyo iyo xarumo muhiim ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Cali Hayle

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ee lagu qaaday duqeyntan waxaaka horreysay mid kale oo ka dhacday deegaano hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Halkaas oo ay ku sugan yihiin Shabaab kale deegaanada Galmudug ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo xoreyn ah, isla markaana ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka

Post a Comment

0 Comments