Masar iyo Itoobiya oo laga digay inay ku dagaalamaan Koonfur Galbeed

Masar iyo Itoobiya

Qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka

 Qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa taageeray Itoobiya iyo qorshaha ka socda deegaanada gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya xildhibaannadan oo warsaxaafadeed soo saaray kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen banaanka xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay la dareen yihiin shacabkooda oo shalay iyo maanta dibad-baxayo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya

Laguna diidayo kuwa Masar ka dhigay degmooyinka

Laguna diidayo kuwa Masar ka dhigay degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool ugu horreyn xildhibaannada ayaa dhaleeceeyay madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ku eedeeyeen in dowlado is diidan uu lasoo galay heshiisyo difaac oo aan la horkeenin Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha DFS wuxuu heshiisyo amni iyo difaac

Madaxweynaha DFS wuxuu heshiisyo amni iyo difaac oo badan uu la galay dowlado is diidan, kuwaas oo aan la horkeenin Golaha Shacabka, waxaana ka dhalan kara halis khatarteeda leh” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka sidoo kale waxa ay ka digeen in gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed loo soo raro xiisadda wabiga Nile, kadibna ay ku dagaalamaan Itoobiya iyo Masar

Haddaba annaga oo ogeyno walaaca iyo dareenka dadkeena ay ka qabaan iyo mas’uuliyad naga saaran amniga iyo xasiloonida waxaan si weyn diidanahay in colaadda caalamiga ah ee wabiga Nile oo u horseedi karo dagaallo ka qarxa mandiqa Geeska Afrika oo lagu hoobto waxyeelo soo gaarta dadka loo soo raro gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka

Waxaa kale oo lasii raaciyay dowlado is dagaashan in la’isku ballamiyo oo ay isku dul dagaalaan dalkeenna in laga shaqeeyo waa laga haboon yahay ugu dambeyn xildhibaannadan ayaa ugu baaqay dowladda dhexe in aysan qalalaase horleh ka abuurin Koonfur Galbeed, kana laabato in ciidamada Masar la geeyo halkaasi

Hoggaanka DFS waxaan u sheegeynaa horumarka ka socda deegaanka Koonfur Galbeed oo ah isku tashiga waa inay ku boggaadiyaan, laakiin inay qalalaase siyaasadeed, dagaal iyo burbur inay u horseedaan ma’aha” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Xildhibaannadan waxaa ka horreeyay kuwa oo kale oo kasoo jeeda isla Koonfur Galbeed oo xalay ku shiray Muqdisho, kuwaas oo iyagana kasoo horjeeday qorshaha maamulka Laftagareen ee ku aadan Itoobiya, waxayna sheegeen in dadka shacabka lasoo abaabulay, iyada oo laga faa’iideysanayo daruufo amni oo ku haysto gobollada Baay iyo Bakool

Post a Comment

0 Comments