Kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS oo dagaal culus uu ku dhex-maray Buulo-mareer

Kooxda Al-Shabaab

Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus

  Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose weerarka kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabka weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa halkaasi

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal muddo saacad ka badan uu socday dagaalka, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog Wararka ayaa intaasi kusii daray in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer

Khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay

Khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, waxaana saaka maydadka xubno katirsan kooxda Al-Shabaab lagu arkay duleedka Buulo-mareer xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana aagga magaaladaas haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Horay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale usoo weerartay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ee deggan magaalada Buul-mareer, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 57 askari aaskarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan 

Waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay

Post a Comment

0 Comments