Afhayeenka guud ee kooxda AlShabaab Sheekh Cali Dheere oo usoo hanjabay ganacsatada iyo bangiyada kadib tallaabadii dowladda somalia

 
Sheekh Cali Dheere

Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab, Sheekh Cali

Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo muuqaal iska soo duubay ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay canshuurta iibka ee ay dhawaan soo rogtay dowladda Soomaaliya Sheekh Cali Dheere oo digniin culus soo saaray ayaa marka hore arrintan ku tilmaamay dhac loo geysanayo hantida shacabka Soomaaliyeed

Wuxuuna sheegay in canshuurtani ay billow u tahay

Wuxuuna sheegay in canshuurtani ay billow u tahay baneysashada hantida Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay waxaan rabnaa inaan caddeyno mowqifkeenna ku aadan ficillada boobka iyo burcadnimada ah ee ka socda dalka, gaar ahaan Muqdisho, haddii aan nahay Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin wax badan ayaan ka hadalnay falalka gurracan ee uu cadowga ku hayo ummadda Soomaaliyeed

Waana ka dignay hagar-daamooyinka ganacsatada Soomaaliyeed

Waana ka dignay hagar-daamooyinka ganacsatada Soomaaliyeed ee lagula wareegayo hantidooda” ayuu yiri Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sidoo kale wuxuu u digay ganacsatada iyo bangiyada dalka ee fuliyay qaadista canshuurtaas, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay hantidooda kala baxaan muddo isbuuc ah oo maanta ka bilaabaneyso, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id Sheekh Cali Dheere

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelineynaa inay muddo hal isbuuc ah oo ka bilaabaneyso 26 August 2024 ay hantidooda kala baxaan bangiyada iyo shirkadaha fududeynay boobka lagu bililiqeysanayo hantida bulshada” ayuu mar kale yiri Cali Dheere sidoo kale waxaa sii raaciyay “Waxaan dadweynaha u sheegeynaa in muddadaas ay hantidooda ugala bixi waayaan ay ayagu qaadayaan mas’uuliyadda wixii ka yimaada arrintaa iyada ah

Dgniinta Al-Shabaab ayaa kusoo aadey saacado uun, kadib markii shalay ay kooxda qaraxyo ku burburisay goobo ganacsi oo ku yaallay Ceelasha Biyah ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lagu sheegay sababta ay u beegsadeen xiridda kaamirooyinka CCTV

Post a Comment

0 Comments