rarka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in AlShabaab soo buux dhaafiyeen duleedka Kismaayo

Jubbada Hoose

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shalay iyo maanta ay Al-Shabaab soo buux dhaafiyeen deegaano u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen agagaarka deegaanada Buulo-xaaji iyo Cabdalle Biroole oo dhaca galbeedka gobolka Jubbada Hoose

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ujeedka kooxda Al-Shabaab

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ujeedka kooxda Al-Shabaab uu yahay inay weeraraan deegaanadii ugu dambeeyay ee laga qabsaday oo ay kamid ah magaalada Buulo-xaaji sidoo kale waxaa dhaq-dhaqaaqan ka war helay ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland oo iyagana isku fidiyay aagga Kismaayo, si ay uga hortagaan Al-Shabaab

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa qaybo badan

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo ay wadaan labada dhinac indhowaanahan waxaa Jubbooyinka ka socday howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada huwanta, waxaana jiray weeraro ay soo qaadeen Al-Shabaab oo isla iyaga lagu jabiyay.

Si kastaba, waxaa mar kasta la filan karaa inuu dagaal ka dhex-qarxo labada dhinac, iyada oo cabsi xoogleh ay soo wajahday dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi

Post a Comment

0 Comments