Kooxda Al-Shabaab oo dhaqaale badan ka hela il ay dowladdu ogtahay

Kooxda Al-Shabaab

Waxaa jirta il dhaqaale oo weyn oo weli u furan Al-Shabaab

 Waxaa jirta il dhaqaale oo weyn oo weli u furan kooxda Al-Shabaab, taas oo dhaqaale badan ay ka sameeyaan sanad kasta bilaha ugu horeeya sanadka Hijriyada ee taariikhda Islaamka, Al-Shabaab waxay dadka reer miyiga ah ka aruursadaan xoolo ay ugu yeeraan Zakawaad, kuwaas oo qaab xoog ah looga qaado inta badan qoysaska

Geela, Lo’da iyo Ariga ayey Shabaab ka qaataan dadka

Geela, Lo’da iyo Ariga ayey Shabaab ka qaataan dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool dhulka miyiga ah ee Soomaaliya gaar ahaan gobollada koonfurta iyo bartamaha bari ee dalka Dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah waxay cabasho badan ka qabaan qaabka looga qaado xoolahaas, diinta Islaamka waxay cadeysay in xoolaha ay xoogga ku qadanayaan Al-Shabaab aysan Zako ku ansaxeyn

Taasi oo dadka qaar ku kaliftay

Taasi oo dadka qaar ku kaliftay inay mar kale xoolahooda Sakada uga bixiyaan si sharci ah, halka Al-Shabaab-na ay xoog uga qaataan dowladda Soomaaliya waa ogtahay arrintaan, laakiin weli wax talaabo ah kama qaadin, iyadoo uu socdo guulo badana laga gaaray qorshaha kooxdaas lagu cunaqabateynayo, ra’iisul wasaaraha ayaa xalay sheegay in 40% lagu guuleystay in la cuuryaamiyo dhaqaalaha Al-Shabaab soo geli jiray

Shabaab waxay xoolaha ugu jecelyihiin Geela oo dhaqaale badan ay ka helaan, waxayna si joogto ah ugu iib geeyaan dhulka ay dowladdu joogto, iyagoo adeegsanaya ganacsato ka dalaala kala gudbinta xoolaha ay Shabaab ka soo dhacaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool miyiga fog

Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee xorta ah ayaa lagu kala iibsadaa xoolaha, dhaqaaluhuna wuxuu dib ugu laabtaa Al-Shabaab, taasi oo khatar ku ah amniga qaranka iyo qorshaha dowladda ee la dagaalanka cadowga Khawaarijta ah ee umadda Soomaaliyeed ku habsaday

Post a Comment

0 Comments