Kooxda Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay askar ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland

Kooxda Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe ay Al-Shabaab toogasho ku fuliyeen saddex askari oo ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland oo ay horay ugu qabteen dagaallo ka dhacay gobolkaasi toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Kamsuuma

Waxaana goobta la isugu geeyay dad badan shacab ah 

Waxaana goobta la isugu geeyay dad badan shacab ah iyada oo sidoo kale ay goobjoog ahaayeen xubno Shabaab ah kooxda ayaa sheegtay in saddexda askari ay horay uga qayb-qaateen dagaallo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan aagga deegaanka Buulo-Xaaji oo dhowaan ay ka dhaceen howlgallo ay guullo waa wayn ka gaareen ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland 

Magacyada saddexda askari ee toogashada lagu fuliyay

Magacyada saddexda askari ee toogashada lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala sheegay Saciid Cabdow Yuusuf, Maxamed Cabdi Xasan iyo Cabdi Cumar Maxamed, ayada oo kahor toogashadooda ay xukun ku ridday maxkamad hoostaga isla kooxda.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay dilalka toogashada ah, waxaana ay horay kooxda sidaan oo kale u dishay askar iyo dad kale oo ay ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin ku sugnaa deegaanada ay ka taliso kooxda ee koonfurta iyo bartamaha dalka.

Si kastaba, dhacdadaan ayaa ku soo beegmaya, xilli haatan kooxda ay wajaheyso culays uga imaanaya dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo sare u qaaday howlgallada iyo weerarada cirka ah ee ka dhacaya deegaanada ay joogaan Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments