Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo shaaciyey is-bedel ku yimid dagaalka Al-Shabaab

Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay qeyb ka mid ah khudbad dheer oo uu jeediyey kaga hadlay dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah isagoo cadeeyey in dagaalkii uusan joogsan, balse uu isbedelay madaxweynaha ayaa sheegay in qorshihii dagaalka uu is bedelay, isagoo tusaale u soo qaatay howlgallada ka bilowday Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo labadii sano ee lasoo dhaafay aysan wax dagaal ah oo ciidamada dowladdu qaadeen uusan ka dhicin

Dagaalkii labo sano ka hor soo bilowday ee Khawaarijta

Dagaalkii labo sano ka hor soo bilowday ee Khawaarijta walaalayaal waa socdaa, hadii la idin yiri dagaalkii waa joogsaday waa been, dagaalku maanta ayuu intii hore kasii xoog badan yahay, dhulkii lagu dagaalamayey iyo dabeedacihiisu waa is bedeleen, nooca dagaalkuna waa is bedelay,” ayuu yiri Madaxweynuhu

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka lasii balaariyey

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka lasii balaariyey, “Meel kasta ayuu dagaalku ka socdaa, dowladaan ajandeheeda koowaad waa dagaalka Khawaarijta waana socdaa, waxaana idiin xaqiijinayaa inuu socon doono ilaa Khawaarijta laga adkaado, ma istaagin, mana daciifin, maanta ayaan ka awood badanahay maalintii aan soo bilownay,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in uusan ka walwaleyn in Shabaab ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka guuleystaan “Waan gaareynaa guusha, qofkii walwal muujiya wuxuu macna tirayaa wiilka Soomaaliyeed ee xoreynta dalkaan dhiigiisa u huray,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka faafinaya dacaayadaha ka dhanka ah ciidanka iyo dagaalka ay shalay tageen dhulkii la xoreeyey ee wiilashada Soomaaliyeed ay u shahiideen, taasi oo u muuqatay inuu ugu jawaabayo Sheekh Shariif oo shalay joogay deegaanka Burka Derin ee Sh/Dhexe oo ka mid ah deegaanadii la xoreeyey

Post a Comment

0 Comments