Hadal jeedinta Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ee munaasabadda xuska 14-ka Agoosto oo ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada.

Maamulka galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug

 Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay khudbad ka jeediyay xuska sanad guurada 18-aad ee Galmudug ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaas iyo doorashada kusoo socota oo loogu jio loolan aad u adag Qoor Qoor ayaa ugu horreynti ku faanay in Galmudug ay gaartay hormar ballaaran, isla-markaana ay door fiican ka qaadatay dagaalka Al-Shabaab

Sidoo kale ay wada shaqeyn fiican la leedahay dowladda dhexe

Sidoo kale ay wada shaqeyn fiican la leedahay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada kale ee ka jira waddanka intaas kadib Madaxwweynaha Galmudug ayaa ka hadlay arrinta doorashada, wuxuuna sheegay inay qabanayaan qof iyo cod, isaga oo sidoo kale weerar culus ku qaaday xubnaha mucaaradka ee doonaya inay ka qayb-galaan doorashada soo socota ee ka dhaceysa Dhuusamareeb

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Galmudug

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Galmudug ay kasoo gudubtay xilligii awoodda wax lau raadinayay, isla markaana danaha gaarka loogu dhibaateyn jiray shacabkeeda dadka damaca ka leh siyaasadda xaq-baad u leedihiin inaad damac yeelataan, laakiin waxaa rabaa Galmudug waa kasoo gudubtay xilligii qof dan lihi dantiisa ku dhibaateyn jiray” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka reer Galmudug dal iyo dibad, waa baraarugsan yihiin, waana soo jeedeenaa, dantooda iyo dan darradooda waa yaqaaniin Axmed Qoor Qoor ayaa sidoo kale u digay xubnaha musharixiinta la tartameyso, wuxuuna sheegay in aan laga aqbli dooniin inay hub lasoo galaan Galmudug iyo inay sameeyeen kicin bulsho ama wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada deegaanka

Meeshaas waxaa ka reeban dadka qaarkii waxa lagu arkay ama dowlad goboleedyada ay hadda kusoo baxeen ama caan ay ku yihiin waxaa ka reeban hub, waxaa ka reeban abaabul dhalinyaro waxaa ka reeban wax u eeg saan saan horay loogu soo daalay oo laga soo gudbay” ayuu mar kale yiri madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)

Post a Comment

0 Comments