Shacabka Beledweyne oo ciidamo sameystay kadib markii ay kusoo kordheen kooxo burcad ah

Shacabka Beledweyne


Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne

 Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladda ammaan ee magaaladaas ay faraha ka baxday, kadib markii ay kusoo kordheen kooxo burcad ah habeenadii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaaladan ka dhacay dilal yo dhac loo gaysanayy qaar kamid ah shacabka ku nool halkaasi

Burcadda ayaa todobaadkan gudihiisa bartamaha magaalada

Burcadda ayaa todobaadkan gudihiisa bartamaha magaalada ku dilay Marxuum Cabdisahal Nuur oo ahaa guddoomiye ku xigeekii maaliyadda ee degmada Beledweyne waxayna doonayeen inay ka dhacaan taleefoonka, ayna rasaaseeyeen taas oo sababtay dhaawac markii hore soo gaaray, isaga oo mar dambe u geeriyooday dhaawac gaaray

Arrintan ayaa keentay in shacabka ku dhaqan

Arrintan ayaa keentay in shacabka ku dhaqan xaafadaha Beledweyne ay isku tashadaan, waxayna sameysteen ciidamo Madani ah oo sugo amnigooda, kuwaas oo ka hortagaya burcadda iyo cid kasta oo dhibaato ku ah nabad-gelyada xaafadaa Kooshin iyo Xaawo Taako ayaa lagu arkay ciidamadan gaarka ah, waxayna habeennadii sameeyaan roondo, sida uu sheegay mid kamid ah dadka deegaanka

Anaga Askar dowladeed ma nihin, dad shacab ah oo qoryo qaatay ayaa nahay. Qofkii la aqoon ee Xaafada soo galo waan Hubinaa. Dhowr Habeen ayaan Tuugo xaafada ku aragnay waana ka saarnay Alxamdullaahi. Tuugada labo qof ama 1 qof waaye lakiin Anaga 10 qof ayaa nahay ugu yaraan” ayuu yiri Daahir Cismaan.

Xaaladda ammaan ee Beledweyne ayaa maalmihii u dambeeyay aad u liidatay, waxaana ka dhacayay falal ammaan darri oo u badan dhac, dil iyo qaraxyo ay mararka qaar ka fuliyaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab beledweyne ayaa xudun u ahayd halka uu kasoo bilowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, haddane waxay weli la daala dhaceysaa xaalado adag

Post a Comment

0 Comments