Laba nin oo aano qabiil loogu dilay gobolka Galgaduud

gobolka Galgaduud

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay mar kale maleeshiyaad hubeysan xalay ka gaysteen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu dilay dad shacab ah oo xahaa xoolo dhaqato dilka ayaa ka dhacay tuulada Baalal-dheer oo hoostagta deegaanka Cadakibir ee gobolkaasi, waxaana gaystay rag hubeysan oo goobta isaga baxsaday

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay laba nin

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Wehliye Guure iyo Cabdinuur, kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeday magaalada Cadaado Xaaladda deegaanka ay mashaqadu ka dhacday ayaa haatan kacsan, waxaana laga dareemayaa xiisad kala dhalatay dilka labadaas ruux oo salka ku hayo aano qabiil

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka iyo saraakiisha laamaga amniga Galmudug oo ku aadan falkaas dilka ah ee loo gaystay xoolaha dhaqatada  waxaa dhacdadan ka horreysay mid kale oo habeen hore ka dhacday Galgaduud, kadib markii labo wiil oo walaalo ahaa aano qabiil darteed loogu dilay deegaanka Oodan ee bariga gobolkaasi.

Sidoo kale waxaa sidan oo kale oo horay Galgaduud loogu dilay macallin Dugsi Qur’aan iyo walaalkiis oo dhaqtar ahaa, waxaa lasoo qabtay raggii dilay oo iyagana toogasho lagu fuliyay si kastaba, dilalka sii kordhaya ayaa dhaawacaya heshiiska nabadda ee dhowaan uun laga gaaray colaad beeleedyada ka taagan gobollada dhexe ee dalka

Post a Comment

0 Comments