Weerar qaraxyo ah oo ka dhacay Beled-xaawo

Kooxda alshabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ah oo xalay lagu qaaday saldhigga booliska degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac qaraxyada oo ahaa bambaanooyin ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhigga, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaar kamid ah askartii ku sugnayd

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarka

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarka, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sid ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah Askariga booliska ah ee dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bile Hufood, wuxuuna sidoo kale horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Beled-xaawo

Xubnaha weeraray saldhigga ayaa sidoo kale lasoo

Xubnaha weeraray saldhigga ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay goobta isaga baxadeen, waxaana haatan soconayo baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha amniga sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha dhaliyay.

Beled-xaawo ayaa waxaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fuliya dagaalyahanada Al-Sabaab, balse ma jiro weli wax war ah oo ay kooxda kasoo saartay weerarkan gedo ayaa kamdi ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ka socda howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo Daraawiishya Jubbaland

Post a Comment

0 Comments