Ciidanka ATMIS oo wareejiyay saldhig ku yaalla gobolka hiiraan

gobolka hiiraan

 Taliska howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika

Taliska howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa saldhigga Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ku wareejiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah qorshaha ku aadan bixitaanka ciidamadan oo hadda ku socdo si tartiib ah munaasabad ka dhacday Maxaas ayaa waxaa si rasmi ah saldhigga kula wareegay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo qaaday mas’uuliyadda amniga xeradaas

Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS

Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS waxaa sidoo kale lagu sheegay in wareejinta saldhiggan uu qayb ka yahay wajiga saddexaad ee dhimista ciidamadooda, sidoo kalena saldhiigan uu noqday kii lixaad ee lagu wareejiyo ciidamada Xoogga Soomaaliyeed hawlgalka ATMIS ayaa saldhigga Maxaas ku wareejiyey Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, tallaabadan ayaana qeyb ka ah Wajiga Saddexaad ee Ciidan Dhimista ee haatan socdo

Saldhigga oo ku yaalla gobolka Hiiraan

Saldhigga oo ku yaalla gobolka Hiiraan waa xaruntii lixaad oo milatari ee lagu wareejiyey ciidanka qaranka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS ee Soomaaliya gaashaanle Sare Bosco Sibondavyi oo mas’uulka qeybta Milatariga ATMIS u qaabilsan arrimaha Saadka oo madasha ka hadlay ayaa ku ammaanay ciidanka ENDF iyo kuwa Qaranka Soomaaliyeed sida ay u ilaaliyeen bulshada deegaanka una xaqiijiyeen amniga gobolka.

Dhankiisa wakiilka ciidanka Xoogga dalka Xiddigle Xuseen Maxamed ayaa mar kale ku celiyey sida ciidanka Soomaaliya ay uga go’an tahay la wareegista mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka sidoo kale mas’uul ka socday xafiiska UNSOS ee qaabilsan qorshaynta kalaguurka Patrick Duah ayaa madasha ka sheegay muhiimadda doorka UNSOS ee taageeridda qorshaha kalaguurka Soomaaliya ee geeddi socodka nabad dhisidda Soomaaliya.

ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka Ciidamada ATMIS ee haatan baxaya ayaa waxaa beddalaya howlgal cusub oo magaciisa loosoo gaabiyo AUSSOM, kaas oo hoostagi doono isla Midowga Afrika, iyada oo Masar iyo Jabuuti ay noqdeen dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo ka yaboohan howlgalkan.

Howlgalka bedeli doona kan haatan jira ee ATMIS ayaa loogu talo galey inuu taageero dedaalada dowladda federaalku ugu jirto la dagalaanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilinta dalka

Post a Comment

0 Comments