Ciidamada dowladda somalia oo howlgal ku dilay Shabaab badan kuwa kalena soo qabtay

dowladda somalia

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose howlgalka oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku yaalla agagaarka magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkaasi, waxaana lagu sheegay in lagu dilay 30 xubnood oo Al-Shabaab ah sidoo kalena lagu qabtay saddex kale oo nool howlgal qorsheysan oo saakay Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ka fuliyeen aagga deegaanka Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, halka 3 dhagarqabe nolosha lagu qabtay,” ayaa lagu yiri war kooban oo kaso baxay dowladda Soomaaliya

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga daraamayaa duleedka magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalja maanta ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay dowladda Soomaaliya

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda Jubbooyinka, waxayna la wareegeen deegaano muhiim ah oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments