Horjoogihii ugu caansanaa kooxda Al-Shabaab ee gobollada dhexe oo geeriyooday


kooxda Al-Shabaab

Horjoogihii kooxda Al-Shabaab ugu magacownaa

Horjoogihii kooxda Al-Shabaab ugu magacownaa waxa ay ugu yeeraan Xisbada ama Jamhadaha ayaa xalay geeriyooday, sida ilo wareedyo xog-ogaal ah inkaas oo ahaa caan, kana soo jeeday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Caweer Cali Mataan horjooge Xasan Caweer ayaa u geeriyooday xanuun muddo ka hayey wadnaha, waxayna saameyntaan ka soo gaartay dhaawac ay horay ugu geysteen ciidanka Qaranka

Xasan Caweer Cali Mataan ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa

Xasan Caweer Cali Mataan ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna caan ka ahaa gobollada dhexe, gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud oo uu kasoo jeedo wuxuu ka dhashay beesha Saleebaan ee Habargidir, qof kasta oo reer Cadaado ama deegaanada kale ee Galmudug ku nool waa yaqaan ninkaan, wuxuuna ahaa nin dadka uu yaqaan soo waca oo u hanjaba

Xoolo baad ah ayuu ka qaada jiray dadka ka cabsada hanjabaadiisa

Xoolo baad ah ayuu ka qaada jiray dadka ka cabsada hanjabaadiisa, mararka qaarka wuxuu dadka u dhigi jiray dabino ay Shabaab ku dilayaan, maadaama uu kooxda ka ahaa horjooge weyn, waa ninkii Xarardheere geeyey Odayaashii Saleebaan ee markii dambe dowladda u soo gacan galay, kuwaas oo la maxkamadeeyey xabsina lagu xukumay

Horjooge Xasan Caweer oo muddooyinkaan xanuunsanaa sida xogtaani ay sheegeyso ayaa mar si dhuumaaleysi ah lagu geeyey Hargeysa, halkaas oo lagu soo daweeyey, kadibna waxaa la geeyey degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ugu dambeyntii xalay ayuu horjooge Xasan Caweer u geeriyooday xanuunkii ka hayey wadnaha ee ilaa Hargeysa loo geeyey, waxaana maanta aad u farxay qof kasta oo yaqiinay ninkaas oo ahaa mid dhib badan oo beegsada qof kasta oo uu yaqaano

Post a Comment

0 Comments