Dagaal duleedka Muqdisho ku dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidanka DF Soomaaliya


Kooxda Alshabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo laga helayo faah-faahino dheeraad ah dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar toos ah ku qaadeen saldhig ciidamada Boolis Milataaro ay ku leeyihiin halkaasi, gaar ahaan halka loo yaqaano Arbacow waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen rasaasta ay is waydaarsanayeen labada dhinac, balse aysan caddeyn karin khasaaraha soo kala gaaray, maadaama ay ahayd xilli habeen ah, xog badana aysan ka heli karin dagaalka Saraakiil ka u hadashay laamaha amniga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna dib u celiyeen xubnaha soo qaaday

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalka

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalka, waxayna shaacisay inay khasaare culus gaarsiisay ciidamada dowladda, balse ma shaacin tiro rasmi ah xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana deegaanka Ceelasha Biyaha iyo nawaaxigiisa ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgallo ka wada halkaasi

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla bannaanka magaalada, halkaas oo ay koontaroolo laga sugo amniga ku leeyihiin ciidamada xasilinta iyo kuwa milatariga Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments