Howlgal cusub oo looga dhawaaqay galbeedka gobolka Sh/Dhexe

 
Kooxda alshabaab

Maamulka HirShabelle ayaa ku dhowaaqay howl-gal cusub

Maamulka HirShabelle ayaa ku dhowaaqay howl-gal cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ka bilaabanaya deegaano ku yaalla galbeedka deegaanada iyo degmooyinka maamulka deegaanada oo weli ku sugan yihiin kooxda ayaa maamulka uu qorsheynayaa in howl-gal qorsheysan lagu qaado, xilli uu dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab

Si loo dardar-geliyo qorshahan waasiirka amniga gudaha HirShabelle

Si loo dardar-geliyo qorshahan waasiirka amniga gudaha HirShabelle ayaa deegaanka Carmooleey oo hoostaga degmada Gamboole ee gobolka Sh/Dhexe ku booqday boqolaal kamid ah ciidamada difaaca shacabka ee dib u xoreynta deegaanada galbeedka HirShabelle ee la magac baxay duufaanta Sheekh Xasan Barsane ee ku sugan deegaanka Carmooleey

Wasiirka amniga HirShabelle Maxamed Kheyre

Wasiirka amniga HirShabelle Maxamed Kheyre oo ay wehlinayeen guddoomiyaha baarlamaanka maamulka iyo masuuliyiin kale ayaa la hadlay ciidamada, oo uga warbixiyay howl-galka cusub ee qeybta ka ah kii lagu xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan maamulka wasiirka ayaa sheegay in maamulka HirShabelle uu howl-galka galbeedka ku bixin doono dadaalkii uu ku bixiyay howl-galkii lagu xorreeyay degaannada ku yaalla bariga ee deegaannada maamulka HirShabelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa isna dhankiisa sheegay in Al-Shabaab ay diidan yihiin horumarka deegaannada ku yaalla galbeedka maamulkaasi, sidaas darteedna ay awood kasta oo ay leeyihiin iskaga celin doonaan cadowga 

Si kastaba, HirShabelle oo ah maamulkii u horreeyay ee uu ka bilowday gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa waxaa weli deegaano badan oo ku yaalla galbeedka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ku sugan maleeshiyaad ka tirsan Kooxda, kuwaas oo dowladda dhexe iyo maamulka oo kaashanaya shacabka hubeysan ay doonayaan inay ka sifeeyaan kooxda

Post a Comment

0 Comments