Dowladda somalia oo ciqaab adag marineysa qofkii ka dhuunta go’aanka ay dhaqan-gelisay

Dowladda Somalia

Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho

 Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga hirgashay qaadista canshuurta gadista ee loo yaqaano (VAT), taas oo dhan 5% canshuurtan oo ay ka qeyliyeen shacabka Muqdisho ayey dowladda ku adkeysatay dhaqan-galinteeda, iyadoo soo saartay ganaax culus oo uu muteysanayo qofkii ka dhuunta ama bixin waaya canshuurta iibka

Wasaaradda Maaliyadda oo soo saartay warqad

Wasaaradda Maaliyadda oo soo saartay warqad ay ku faah-faahineyso ganaaxa uu la kulmi karo qofka u hoggaansami canshuur bixinta, si gaar ah ganacstada oo ayaga loo dhex marayo jarista canshuurta 5% ah, taas oo dowladda si toos ah ugala baxeyso koontooyinkooda ganacsi

Ganacsi kasta oo aan u hogaansamin go’aankan

Ganacsi kasta oo aan u hogaansamin go’aankan waxa uu kulmi doona ganaax maaliyadeed oo isugu jira mid aan ka yareyn ama aan ka badneyn labo kun oo dollar Mareykan ($2,000) xad-gudub kasta oo u sameeyo sidoo kale waxay wasaaradda sheegtay in ganacsadaha u hoggaansami waaya muddo hal maalin ah hanaanka canshuur bixinta iibka uu ku dhacayo ganaax aan ka yareyn shan boqol oo dollar Mareykan ($500).

Xabsi aan ka yareyn muddo lix bilood ah ama aan ka badneyn afar sano oo la xirayo maamulka sare ee ganacsiga iyo shakhsiyaadka maamula ganacsiga iyadoo loo aqoonsanayo inay galeen dambi ka hor imaanaya maamuIka canshuuraha,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya

Ganaax maaliyadeed oo isugu jira ganaax aan ka yareyn ama aan ka badneyn labo kun oo dollar Mareykan ($2,000) xadgudub kasto oo u sameeyo ama ganaax aan ka yareyn Shan Boqol oo dollar Mareykan ($500) u hogaansanaan la’aan muddo hal maalin ah.

Xabsi aan ka yareyn muddo lix bilood (6 Bil) ah ama aan ka badneyn afar (4 sano) oo la xirayo maamulka sare ee ganacsiga iyo Shakhsiyaadka maamula ganacsiga iyadoo loo aqoonsanayo inay galeen dambi ka hor imaanaya maamuIka Canshuuraha ganacsigii sii joogteeya ku xadgudubka ama aan u hogaansamin isticmaalidda Koontadda Ganacsiga (Merchant Account) Waxaa la xirayaa xaruntiisa ganacsi

Post a Comment

0 Comments