Dagaal culus oo ka dhex qarxay ciidanka K/Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan

 
K/Galbeed

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan uu ka qarxay deegaano ka tirsan gobolkaasi dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii saaka ciidanka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan deegaanada Yaaqbariweyne iyo Kaba Hirig oo hoostaga degmada Wanlaweyn

Waxaan xigay dagaal toos a ujeedka howlgalka

Waxaan xigay dagaal toos a ujeedka howlgalka ay qaadeen Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay uga hortagayaan isbaarooyin ay maleeshiyaadkaas soo dhigteen aagga lagu dagaalamay, kuwaas oo ay saraakiisha sheegeen in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah labada dhinac ayaa inta uu socday dagaalka isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u aad kacsan

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u aad kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga deegaanka Yaaqbariweyne oo ay isku aruursanaa labada ciidan sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay in ka barakacaan goobaha lagu dagaalamayo, si ay uga fogaadaan waxyeelada kasoo gaarta dagaalka ka qarxay halkaasi

Colaaddan ayaa maalmihii u dambeeyay ka taagneyd gobolka, waxaana xiisaddan ay ahayd mid soo taagnayd bilihii lasoo dhaafay, taas oo haatan isku beddashay gacan ka hadal mas’uuliyiinta kasoo jeeda deegaannada lagu dagaalamay ayaa iyaguna horay ugu eedeeyay Koonfur Galbeed inay dhibaato ka wada halkaasi, ayna iska dhici doonaan

Waxayna ku doodeen in ciidamada deegaanka ku sugan halkaas ay u joogaan la dagaalanka Al-Shabaab Shabeelaha Hoose ayaa waxaa haatan ka taagan xiisado xoogan, waxaana ay ahayd dhowaan markii sidaan oo kale loogu dagaalamay degmada Qoryooley ee gobolkaasi

Post a Comment

0 Comments