Kooxda Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday xero ku taalla duleedka BALCAD

Kooxda Al-Shabaab

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe weerarka oo ku bilowday madaafiic ayaa waxaa lagu ekeeyay xero ay ciidamada milatariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Raaxoy oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar

Waxaana xiga dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac

Waxaana xiga dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac dadka deegaanka ayaa soo wariyay in dagaalka uu saacado badan qaatay, isla markaana weerarka madaafiica kadib ay maqleen rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, maadaama ay ahayd xilli habeen ah oo aanan la heli karin xog rasmi ah

Ciidamada dowladda dhankooda waxay saraakiil u hadashay

Ciidamada dowladda dhankooda waxay saraakiil u hadashay sheegeen inay ka hortegeen A-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna dib u celiyeen xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana aagga Balcad howlgallo culus ka wada ciidamada Xoogga dalka oo baadi goob ugu jiro raggii weerarka kusoo qaaday.

Ammaanka waddada xiriirisa labada magaalo Balcad iyo Jowhar ayaa muddooyinkan aad u liitay, waxaana weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo ka fulisa kooxda Al-Shabaab si kastaba, Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab wajigii koowaad ee dagaalka, haddana waxaa weli ka socdo howlgalo ay iska kaashanayaan ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda

Post a Comment

0 Comments