Maxay Yihiin Diyaaradaha is Qarxiya ee Lagu Qabtay Gaalkacyo iyo Halista Cusub ee Soo Gashay

Kooxda alshabaab

 Maamul goboleedka Puntland

Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen xubno ay ku tilmaameen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo hub Soomaaliya ku cusub oo la sheegay inay wadeen xubnaha ayaa gaaraya 7 xubnood oo ciidamada ammaanku sheegeen inay gacanta ku hayaan dayaaradaha bilaa duuliyaha ah, gaar ahaan nooca is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze

Dadkan laga shakisan yahay ayaa la soo qabtay

Dadkan laga shakisan yahay ayaa la soo qabtay, kadib markii la helay xog ciidan oo ah inay hub sidaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxda ciidamada amaanka ee Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo dayaaradahaas bilaa duuliyaha ah oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay ka soo galeen dhanka magaalada Boosaaso

Waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday magaalada Gaalkacyo

Waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday magaalada Gaalkacyo sarkaalkaas ka tirsan madaxda ciidanka Puntland wuxuu intaas ku daray in dayaaradaha iyo dhowr qof oo siday lagu qabtay inta u dhaxaysa Garowe iyo Gaalkacyo markii aan dabagal ku samaynay kadib waxaan gacanta ku soo dhignay tiro kale oo ah dad looga shakisan yahay inay fal dambiyeedka ku lug lahaayeen,” ayuu yiri sarkaalka 

Dayaaradaha bilaa duuliyaha ah oo tiradooda lagu sheegay 5 dayaaradood waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka amniga ee Puntland, waxayna sheegeen in sidoo kale ay gacanta ku hayaan 7-da qof ee la tuhunsan yahay, kuwaas oo baaritaan lagu wado sarkaalka ka tirsan madaxda ciidanka Puntland faahfaahin kama uusan bixin baaritaanka – Haddaba maxaan ka naqaan daroonka is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze 

Diyaaradaha noocaan ah waa kuwo ku cusub goobaha dagaallada, waxaana hadda aad u isticmaala Ruushka iyo Ukraine iyo Xuutiyiinta Yemen, inkastoo ay jiraan dalal iyo kooxo haysta, waxaana dalalka haysta ama samaysta ka mid ah Israa’iil, Maraykanka, Kuuriyada koofureed, Turkiga, shiinaha iyo Iiraan.

Waa diyaarado xajmi ahaan yar, xawaarahoodu gaabiyo, joogga ay ku duulaanna uu yahay mid aan la arki karin, masaafo ahaanna duuli kara maylal badan, waxayna sidaan qaraxyo. Waxay awood u leeyihiin inay ka dhuuntaan Radarka waxay dul heehaabaan bartilmaameedka, marka la cayimo bartilmaameedkana way ku dhacaan

Ayadoo qaraxyadana ay burburiyaan bartilmaameedka. Waxaa kale oo loo yaqaan “Daroonta is burburisa Waxaa inta badan loo isticmaalaa in ay ka talaabaan safka hore ee dagaalka oo ay cadawga gadaal ka maraan, ayna halkaa ka faltamaan, sidoo kale waxaa loo adeegsadaa in lagu weeraro gaadiidka iyo barta taliska ciidanka

Post a Comment

0 Comments