Maxkamadeynta qoys si yaab leh ula shaqey jiray Al-Shabab oo billaabatay


Kooxda alshabaab

Maxkamadda gobolka Banaadir

 Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta lasoo taagay qoys lacago badan u aruuriyey kooxaha Khawaarijta ah, qoyskaan ayaa ka kooban Aabe labadiisa xaas iyo gabadhiisa lacag dhan $12,615,109.9 ayuu qoyskaan akoonadiisa u marsiiyey Al-Shabaab, waxaana ogaatay dowladda Soomaaliya

Akoonada la marsiiyey lacagtaan ayaa ku dhow 10

Akoonada la marsiiyey lacagtaan ayaa ku dhow 10, waxaana la keenay cadeymo muujinaya in lacagtaas ay gacanta u gashay Al-Shabaab, sida uu cadeeyey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka abaha reerka waxaa la weydiiyey lacagta ay Shabaab sii jireen markii uu u sameeyo hal akoon, iyadoo la adeegsanayo magaciisa, wuxuuna sheegay in lasii jiray 25 doolar oo kaliya

Dalaal ayaan ahaa, waxay Shabaab igu dhaheen noo soo sheeg

Dalaal ayaan ahaa, waxay Shabaab igu dhaheen noo soo sheeg guryaha beeca ah iyo kuwa la iibsado, waxaa jira rag sideyda oo kale ula shaqey jiray,” ayuu yiri eedeysane Xasan oo ah Aabaha reerkaan lii heysto maalgelinta Al-Shabaab wuxuu sheegay in akoonada lagu sameeyey magacyada gabdhahaan uu isagu ka dalbaday, isagoo sheegay in wax baqdin ah uusan ka qabin dowladda, isla markaana uusan ogeyn in la ogaan karo.

Howlaha wadashaqeynta qoyskaan iyo Al-Shabaab ayaa socday muddo lix bilood ah, waxaana akoonadooda lagu gudbiyey lacag ka badan 13 milyan oo gashay gacanta Al-Shabaab, sida uu sheegay dembi oogaha kiiskaan

Post a Comment

0 Comments