Ciidamada Macawiisleyda oo isaga baxay Xarardheere

Ciidamada Macawiisleyda

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug

 Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay isaga baxeen guud ahaan degmada Xarardheere oo maalmahaan ay ka taagnayd xiisad ka dhalatay xilka qaadis dhowaan lagu sameeyay guddoomiyihii maamulka degmadaas, Maxamed Yuusuf Kulmiye

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada hubeysan ee deegaanka laga saaray goobihii ay kaga sugnaayeen degmada Xarardheere, si loo qaboojiyo xaaladda magaaladaasi wararka ayaa intaasi kusii daraya in amar sare oo kasoo baxay madaxda dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug looga fogeeyay ciidamada Macawiisleyda magaaladaasi

Waxaa isna magaalada Muqdisho soo aaday guddoomiyihii

Waxaa isna magaalada Muqdisho soo aaday guddoomiyihii xilka laga qaaday Maxamed Yuusuf Kulmiye oo weli diidan xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweyne Qoor Qoor shalay waxaa Xarardheere ka dhacay dagaal kooban oo dhex-maray ciidamo taabacsan guddoomiye Kulmiye iyo kuwa kale oo la socday guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay, kuwaas oo ay is rasaaseyn ku dhex-martay halkaasi.

Khilaafka xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee Xarardheere, isla markaana dhaliyay xiisadda taagan ayaa ka dhashay hadal uu maalmo ka hor sheegay, xili uu magaaladaas ku soo dhaweynayey musharax Madaxweynaha Galmudug Liibaan Shuluq oo Xarardheere tegay

Guddoomiye Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa maalinkaas sheegay in Galmudug ay ku jirto muddo kororsi, isla markaana loo baahan yahay in deg deg doorasho loo aado, basle maalintii xigtay ayuu raali gelin ka bixiyey hadalkiisii, isagoo sheegay in Galmudug uu ka taliyo Axmed Qoor Qoor, hadalkaasna uu ku qaldanaa.

Si kastaba, xaaladda murugsan ee degmada Xarardheere ayaa laga digayaa sii socoshadeeda, maadaama ay saameyn karto dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo horay looga xoreeyay magaaladan, kadib sanado ay maamulayeen

Post a Comment

0 Comments